Haqabtirenews.com
Manuel Pellegrini Oo Aan Wax Baqdin Ah Ka Qabin BBC Iyo Real Madrid – Wuxuu Kaliya Ku Faraxsan Yahay In Barcelona Ay Hartay.
April 16, 2016 - Written by admin
">

Tababare Manuel Pellegrini ayaan wax cabsi ah ka qabin inuu wajahayo Real Madrid – laakiin wuxuu ku faraxsan yahay in Barcelona ay hartay.

Manchester City ayaa wareega afar dhamaadka Champions League ku soo aaday kooxda Real Madrid isku aadkii shalayto lagu qabtay Switzerland.

Pellegrini ayaa kaliya ku faraxsanaa in kooxda koobka difaacaneysay Barcelona inay ku hartay gacmaha Atletico Madrid habeenkii arbacada.

“Ma jirto koox ugu cadcad wareegaan, waa isku mid labada kooxood” ayuu yiri Pellegrini. “Labada kooxood waxa ay heystaan fursad isku mid ah.

“Malaha si kale oo looga fekero ayaa ah in la yiraahdo iyaga ayuu cadaadiska oo dhan saaran yahay sababtoo ah waa koox weyn, anagana kaliya martiqaad ayaan ku nimid semi-finalka, laakiin uma maleynayo in xaalku uu sidaas yahay.

01_16000642_77cfec_2802844a

“Waxaan heysanaa fursad la mid ah tan Real Madrid, waxaan u la ciyaareynaa sida aan mar walba u ciyaarno, waxaana isku dayaynaa inaan goolasha ugu badan uga dhalino gurigeena, sidaasi darteed waxaan rajeynayaa inaan gaarno finalka sannadkan.

“Waxa ay heystaan ciyaartoy aad u fiican oo waa weyn, malahana waa kooxda ugu muhiimsan caalamka, laakiin sidoo kale waxaan heysanaa ciyaartoy aad u fiican, waxaana ognahay haddii aan u ciyaarno sida aan u ciyaarno isbuuc walba inaan fursad u heysano inaan badino.”

City ayaa waxaa labo jeer Champions League ka reebtay Barcelona labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, Pellegrini ayaana ku farxay inay hartay kooxda difaacaneysay koobkaan.

Markii la weydiiyay haddii uu u dabaaldegay haritaankii Barca, Pellegrini ayaa yiri: “Maya, uma dabaaldegin, laakiin haddii aad i weydiiso ma jeclaan laheyn inaan iyaga ka horimaado.”

Pellegrini ayaa hadalkiisa raaciyay: “Marka hal koox ay labo jeer ku garaacdo waxa ay kugu noqoneysaa dhibaato maskaxeed. Laakiin waan hubaa in kulamo badan oo aan ciyaarno Champions League inay horumarin doonto qaab ciyaareedkeena.”

COMMENTS
Latest News