Haqabtirenews.com
Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Waa Ay Ku Rafaadi Lahaayeen Horyaalka Talyaaniga Ee Serie A” – Miranda.
April 16, 2016 - Written by admin
">

Daafaca Inter Milan Miranda ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay ku adkaan laheyd inay goolasha ay ka dhaliyaan horyaalka Spain ka dhaliyaan horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Xiddiga Real Madrid Ronaldo iyo dhigiisa Barcelona Messi ayaa iska heysta gooldhalinta ugu sareysa abid ee kooxahooda ee horyaalka Spain.

Ronaldo ayaa 30 gool oo La Liga dhaliyay xilli ciyaareedkan, waxaana uu sideed gool ka sareeyaa Lionel Messi.

ronaldomessi-cropped_11vl3idb1m50r17xwh78t8ay04

laakiin daaficii hore ee Atletico Madrid Miranda kaasoo Ronaldo iyo Messi kaga horyimid waqtigiisii Spain ayaa aaminsan in labada nin ay ku dhibtoon lahaayeen horyaalka Talyaaniga.

“Labadoodaba waa ciyaartoy fantastik ah, waxaana ay goolal badan ka dhalin karaan horyaal walba” ayuu Miranda u sheegay GloboEsporte.

“Si kastaba, halkaan Talyaaniga, uma imaan laheyn shabaqa hortiisa si la mid ah sida ay u yimaadaan Spain sababtoo ah kooxaha halkaan taatiko ahaan waa ay nidaamsan yihiin.”

Miranda ayaa ka soo tagay Atletico Madrid una soo wareegay Inter Milan xagaagii isagoo soo gabagabeeyay afar sanno uu la joogay kooxda ka dhisan caasimada Spain.

31 jirkaan ayaa guulo ku qaatay Madrid isagoo ku guuleystay La Liga iyo Europa League halka uu sidoo kale bilada kaalinta labaad ee Champions League uu qaatay sannadii 2014.

COMMENTS
Latest News