Haqabtirenews.com
Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea v Manchester City – Diego Costa Oo Ku Soo Bilowday Shaxda Blues Halka Toure & Nasri Ay Iyagana Ku Soo Laabteen Shaxda Man City.
April 16, 2016 - Written by admin
">

Tababare Guus Hiddink ayaa shaxda dib ugu soo celiyay Diego Costa kaasoo ganaax ku maqnaa seddexdii kulan ee ugu danbeysay, waxaana uu la wareegay booska gooldhaliyaha ee kooxda Blues kuwaasoo tijaabo adag haatan ugu jira tababaraha imaanaya xilli ciyaareedka danbe Antonio Conte.

Wadnaha daafaca dhexe isna waxaa ku soo laabtay Tim Cahill kaasoo taam soo noqday ka dib dhaawac uu la maqnaa, Willian, Loftus-Cheek iyo Pedro ayaana ka danbeeya Costa, halka Mikel iyo Fabregas ay ka ciyaarayaan booska burburiyaha khadka dhexe.

Dhanka kale kooxda Manchester City oo u ciyaareysay inay xajisto booskeeda kaalinta ee horyaalka waxaa booska burburiyaha khadka dhexe ku soo bilowday Yaya Toure kaasoo ka garab ciyaaraya Fernandinho, halka Navas iyo Nasri ay booska kubadsameeyaha ka garab ciyaarayaan De Bruyne oo ka horimaanaya kooxdiisa hore, waxaana weerarka hogaaminaya Sergio Aguero.

che-vs-mancity-1

SHAXDA RASMIGA AH:

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Cahill, Ivanovic, Baba Rahman; Mikel, Fabregas; Willian, Loftus-Cheek, Pedro; Diego Costa.

Keyd: Begovic, Miazga, Matic, Kenedy, Traore, Pato, Falcao.

Manchester Cty: Hart, Zabaleta, Otamendi, Mangala, Kolarov, Toure, Fernandinho, Navas, Nasri, De Bruyne, Aguero

Keyd: Caballero, Sagna, Demichelis, Fernando, Delph, Bony, Kelechi

COMMENTS
Latest News