Haqabtirenews.com
FALANQEYN: Inter Milan vs Napoli – kooxda Maurizio Sarri oo aan laga badin lixdii kulan ee ugu dambeeyay labada dhinac + xogta ciyaarta
April 16, 2016 - Written by admin
">

Inter Milan ayaa wajaheysa caawa kooxda u tartamaysa Horyaalka ee Napoli kulamada 33-aad  ee Serie A Talyaaniga xili labada koox ay guulo u bahan yihiin.

Inter Milan ayaa gebi ahaanba wada guusha ka luntay waxaa kulankii ugu dambeeyay ay ka baxsan wayeen kooxda heerka labaad usocta ee Frosinone , laakiin goolka barbaraha waxaa keenay Mauro Icardi oo ceeb ka badbaadiyey kooxdiisa,Waxay kujiraan kaalinta 4aad ee horyaalka, lix dhibcood ayayna ka hooseeyaan kooxda AS Roma oo dagaalka ugu jira kaalinta saddexaad si ay u ciyaaraan Champions League xili ciyaaredka dambe.

Napoli ayaa kaalinta labaad kujirta waxaana lix dhibcood ay ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Juventus ,waxana kulankii ugu dambeeyay ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Verona, inkastoo uu maqan yahay weeraryahanka Gonzalo Higuain,Waxay rajeynayaan in ay cadaadis saaraan kooxda Old Lady oo booqaneysa Axada kooxda Palermo.

kulanka: Inter Milan vs Napoli

Saacada: 9:45 PM

napoli

Xaqiiqada ciyaarta

Inter Milan ayaa badisay 3 ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeyay Serie A, iyadoo barbaro iyo khasaare hesha labada kale,Waxa ay dhaliyeen gool ama ka badan mid kasta oo kamid ah 5-taasi kulan.

Ka hor guuldaradii Torino kulankoodii ugu danbeeyay, 4 kulan oo isku xigta ayay ku badiyeen San Siro, saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeyay  garoonkooda ku ciyaareen ayaa lagu arkay in ka badan 2.5 gool, iyadoo Inter ay dhalisay 2 gool iyo ka badan mid kasta oo ka mid ah kulamadaasi.

Napoli ayaa badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu danbeyay horyaalka iyagoo dhaliyay ugu yaraan gool seddexdii kulan ee ugu danbeyay ,

7 kulan ee ugu dambeeyay kooxda Napoli ayaa lagu u arkay in ka badan 3.5 gool.

kooxda Gli Azzurri waxa ay leeyihiin keliya hal guul 4-tii kulan oo ay marti ahaayeen Serie A, iyadoo 1 barbaro ah iyo 2 guuldaro kale qaatay,

Maxaa ka cusub Inter Milan?

Adem Ljajic ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan Inter Milan, waana dhaawac . Iyadoo Nagatomo iyo Miranda la filayaa in ay ku soo bilowdaan.

Waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh in la arko Roberto Mancini oo isbedel dib markii uu daawaday uu halganka kooxda isbuucii hore ka dhanka ah sameynaya kadib 10-nin oo uu ku wajahay kooxda Frosinone.

Inter Milan Line-up (4-2-3-1) Handanovic,Nagatomo, Miranda, Murillo, D’Ambrosio,Brozovic, Medel
Perisic, Jovetic, Biabiany,Icardi

Maxaa ka cusub Napoli?

Higuain waa ciyaaryahanka kaliya ee ka maqan Napoli isagoo ganaax ku maqan, halka Kalidou Koulibaly iyo Dries Mertens ay soo laaban karaan.

Tababare Maurizio Sarri ayaa la filayaa inuu ciyarsiiyo Manolo Gabbiadini si uu ugu kabo weeraryahanada Lorenzo Insigne iyo Jose Callejon.

Napoli Line-up (4-3-3) Reina,Ghoulam, Koulibaly, Albiol, Hysaj,Allan, Hamsik, Jorginho
Insigne, Callejon, Gabbiadini

COMMENTS
Latest News