Haqabtirenews.com
Claudio Ranieri: Ma Ahi Sixiroole, Waxaan Ahay Kaliya Qof Si Adag U Shaqeeya.
April 16, 2016 - Written by admin
">

Claudio Ranieri ayaa ku faraxsan in sumcadiisa ay sarre u kacday ka dib wacdarihii ay kooxdiisa Leicester City dhigtay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu farmuuqay inay mal walba si liidata u la dhaqmaan saxaafada.

Kooxda Leicester ayaa todobo dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League markii ay 2-0 isbuucii hore kaga badiyeen Sunderland iyagoo ku sii dhawaanaya hanashada horyaalka, waxaana ay keentay in La Gazzetta dello Sport iyo Corriere dello Sport inay bogagooda hore u hibeeyaan Ranieri iyo kooxdiisa.

Inuu si lama filaana ah horyaalka ugu hogaamiyo Leicester xilli ciyaareedkan ayaa noqonaya koobkii ugu weynaa ee uu Ranieri ku guuleysto waayihiisa ciyaareed inkastoo 64 sanno jirkaan uu soo qabtay kooxo badan oo ay ku jiraan Chelsea, Valencia, Atletico Madrid, Juventus, Roma, Inter iyo Monaco 30kii sanno ee ugu danbeysay.

claudio-ranieri-leicester-city_3384992

Tababaraha Talyaaniga ayaa si weyn loo dhaleeceeyay ka dib markii uu ku hungoobay shaqadiisa xulka Gariiga taasoo ku soo dhamaatay inay guuldarro ka soo gaartay xulka yar ee Faroe Islands, taasoo keentay inuu dhaleeceyn kala kulmo dalkiisa iyo weliba Gariiga.

“Waa wax fiican” ayuu yiri Ranieri isagoo ka hadlayay diirada ay saxaafada siinayaan haatan isaga. “Laakiin marar badan waxaan saarnaa bogaga hore ee wargeysyada Talyaaniga iyo sidoo kale bogaga hore ee wargeysyada Gariiga.

“Waxaan ahay tababare la mid ah sidii aan ahaa markaas.

“Xulka Gariiga waxaan la shaqeeyay ciyaartoyda kaliya 15 jeer muddo afar bilood ah, taasoo la micno ah seddex maalmood ciyaar kasta ka hor, bilaa kulan saaxiibtinimo iyo wax kale.

“Maxaan sameyn karaa? Ma ahi saaxir. Waxaan ahay qof si aad ah u shaqeeya.”

Kooxda Ranieri ayaa u baahan kaliya seddex guul si ay u hantaan horyaalka Premier League, waxaana ay West Ham kula ciyaarayaan garoonkooda King Power Stadium axada.

COMMENTS
Latest News