Haqabtirenews.com
AKHRI Wasaaradda Beeraha Iyo Ciidamada Oo Qorshe Lagu Beerayo Banka Wajaale Ka Baaraan-degaya.
April 16, 2016 - Written by admin
">

Wefti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Saraakiil ka socday Ciidamada Booliska, Madaxtooyada iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa safar u kuur gal ah ku tagay Beerta Ciidamadu ku leeyihiin Wajaale.

 

Safarkan indho indhaynta ah ee ay masuuliyiinta kala duwan ku tageen deegaanka Wajaale ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd qorshe la doonayo in wax soo saar balaadhan oo dhinaca beeraha sanadkan laga sameeyo Beeraha Ciidamada ee ku yaala Banka Wajaale. Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in intii karaankooda ah ay ku dedaalayaan qodaal badan oo la sameeyo si wax soo saarka loo kobciyo.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Aadbaanu ugu faraxsanahay sida aad ka ciidan ahaan noo soo dhawayseen, Abaarihii ina soo marayna waad garanaysaan oo waxa loo baahan yahay inaynu ku cibro qaadano oo wax soo saarka kobcino”. Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bankan Wajaale waxa laga soo saari jiray wakhtigii dalkii la isku odhan jiray Somalia Qamadida dalka oo dhan laga quudiyo, waxaananu ku talo galaynaa in wixii aanu qodi karno qodno, iyada oo wixii aad qodan jirteen in wax idinku kordhaan mooyee waxba idinka dhacayn Insha Allah”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booliska gacana heegan ugu jiraan sidii ay amniga uga shaqayn lahaayeen gacana ku dedaalayaan inay wax soo saarka beeraha dalka ka qayb qaataan. Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Booliska oo heegan ugu jira sugitaanka amniga dalka ayaa waxa ay sidoo kale gacanta kale waxa ay kaga qayb qaadanayaan wax soo saarka beeraha dalka”.

Hogaanka Ciidanka Booliska iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa iyaguna faahfaahin ka siiyey  Weftiga Beeraha Ciidamada ee Banka Wajaale iyo nidaamka ay u qotaan ugana hawl galaan, iyaga oo tilmaamay sida ay heeganka ugu yihiin ka qayb qaadashada wax-soosaarka dalka.  Ciidamada dalka ayaa sanadihii u dambeeyey waxa ay qayb ka ahaayeen wax-soosaarka beeraha, iyaga oo beerta ay ku leeyihiin Wajaale ka soo saarka dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhuudhka, Digirka iyo dalagyo kala duwan. Sanadkii 2014-kii ciidamadu waxa ay ku guulaysteen inay soo saaraan 10,000  (Toban kun) oo kiish in ka badan oo hadhuudh ah iyo Digir intaasi ku dhow, iyada oo January 2015-kiina Madaxweynuhu booqday, balse sanadkii 2015-kii abaar awaadeed aanay suurto galin wax-soosaar la sameeyaa.

COMMENTS
Latest News