Haqabtirenews.com
rss Jurgen Klopp oo kashifay 3 sababood oo ka dambeysay in Liverpool ay wadnaha goyso Dortmund, Maxuuse la Ilmeeyay macallinkan reer Jarmal?
April 15, 2016 - Written by admin
">

JURGEN KLOPP ayaa awoodi waayay inuu si aad ah u hadlo kadib guushii lama filaanka aheyd ee ay Liverpool ka gaartay kooxdiisii hore Borussia Dortmund.

Klopp ayuu kullankan gaar u ahaa,maadama uu la dheelayay kooxdiisii hore, kaamirooyinka ayaana qabteen isagoo la oynaya qiirada labada taageere oo wada jecel isaga isla markaana aad u qiimeeya.

Soo laabasho 4-3 ah ayay Reds ku xaqiijisay semi-finalka Europa League-ga, xilli uu orad ka bixi waayay macallinka reer Jarmal.

“Waa wax aad u adag in la sharaxo guushii aan gaarnay” Klopp ayaa sidaas laga hayaa cayaarta kadib.

“Markii aan baddelka ku keenay Daniel Sturridge iyo Joe Allen, waxaan u soo dhiibay fariin ah inaan mucjso dhigno”.

“Kama murgo haddii nala garaaco,laakiin waxaa naga go’aan inaan muujino sida ay kubadda ugu shaqeyso dhiiggeena.Guushan waxay qof waliba u sheegeysaa sida ay qaali u yihiin tartammada Yurub”.

” Waa igu adag tahay inaan rumeysto waxii dhacay.Si walbo hambalyo ayaan leeyahay taageeryaaha iyo cayaartoyda oo si walbo u dadaallay”.Shabakaddan caayaraha ee Laacibiin.com ayaa intaas raacineyso in Klopp uu taariikh sameeyay.

” Intii lagu jiray nasiinaada oo ay Dortmund hoggaanka ku heysay 2-0 ayaan shirnay kadibna waxaan isla garanay inaan guul gaari karo haddii la joogiyo in la niyad-jabo”.

“3 sabab ayaan guushan u gaarnay,-1 taageerayaasha iyo garoonkeena Anfield oo na caawiyay.2- Cayaartoyda oo aan niyad-jebin isla markaana qaatay amarkii aan siiyay iyo 3- is-baddelkii dhanka taatikada ahaa ee aan ku sameeyay cayaarta” ayuu yiri Klopp.

“Kala sooc la’aan, ahow Liverpool ama xitaa Dortmund,waase hubaal ah in la daawaday kullan taariikhi ah”.ayuu hadalkiisa kusoo koobtay Jurgen.

klopp

COMMENTS
Latest News