Haqabtirenews.com
Manuel Pellegrini oo u Hanjabay Real Madrid ” Af-libaax ayaad gasheen” Sidookalena xaqiijiyay in Kompany , Steling iyo Silva ay seegi doonaan kullanka Chelsea.
April 15, 2016 - Written by admin
">

Manuel Pellegrini oo kooxdiisa Man City ou diyaar gareynayaa kulanka xiga ee Premier League-ga ee Blues ayaa si kooban ugu hadlay inuu semi-finalka ku wajaho kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Real Madrid ayaa dhowr sano kahor iska soo burisay Pellegrini kadib markii uu ku dhameystay kaallinta 2-aa La Liga-ha, waqtigaas oo  Pep Guardiola uu rikoor ku hogaamiyay Barcelona.

“Dhiiro-gellin gooni ah uma ahan Man City inaan macallin u soo ahaan jiray Real Madrid, waxa keliya ah ee aan u dagaalami doono ayaa ah inaan u soo baxno finalka Champions League-ga”.

” Xaqiiqo ahaan waa wax adag in la dheelo marka uu tartanka marayo heerkan,laakiin muhiim maahan kooxda aad la cayaareyso waayo naadiyadii ugu adkaa ayaa issugu soo haray”.

” Waxaan doonayaa in lugta kowaad ee garoonkeena aan kala dirno Real, kadibna aan si dhib yar kusoo baxno”.Waxaan awoodaa inaan koobkan ku macsalaameeyo Man City”.

” Real Madrid waxay sanadahan noqotay sanad waliba guulleyso haddii kale shaqadaada ayaad weyneysaa,taas ayaana laga yabaa inay dhiiro-gellin siiso”.

Dhanka kale,  Pellegrini ayaa xaqiijiyay in Vincent Kompany, David Silva iyo Raheem Sterling ay seegi doonaan kullanka Sabtida ee Chelsea oo ka dhici doono garoonka  Stamford Bridge.

Kompany ayaa maqnaa kulamadii Paris Saint-Germain halka Sterling uu dagaal ugu jiro inuu garoomada kusoo laabato kulanka Newcastle United ee talaadada,-Silva ayuu dhaawac kasoo gaaray cayaartii isbuucan ee PSG.

“Vincent Kompany , Steling iyo Silva lama dheeli doonaan Chelsea” sidaas ayuu yiri macallinka reer Chile.

COMMENTS
Latest News