Haqabtirenews.com
XOG: Waxaa la ogaaday haddii Ronaldo iyo Messi ay ku dagaalami doonaan tartanka Olympic-da adduunka!!
April 14, 2016 - Written by admin
">

Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijisay in uusan ka soo muuqan doonin tartanka Olympic-da adduunka ee la qaban doono xagaagan.

Tartankan ayaa 4-ta bisha August ka bilaaban doono dalka Brazil iyadoo xulka yar-yar ee Portugal uu group D kula jiro Algeria, Honduras iyo Argentina.

Ilo-wareed ku dhow Ronaldo ayaa shabakadda Goal u sheegay in gool-dhaliyaha Real Madrid uu go’aansaday in uusan ka qeyb-gellin cayaarahan.

Xul walbo oo ka qeyb-gelaya Olympic-da ayaa waxaa loo oggol yahay inay 23 kooda cayaaran ku soo darsadaan 3 xiddig oo ka tirsan qaranka waa-weyn.

Waxaa suuqa ku jirtay xan ah in Ronaldo iyo Lionel Messi aya ka soo muuqan doonaan tartanka..

COMMENTS
Latest News