Haqabtirenews.com
rss 7 Waxyaabood oo laga bartay kullankii ay dunida la yaabtay ee Liverpool vs Borussia Dortmund!
April 14, 2016 - Written by admin
">

Kullanti wacan oo wanaagsan akhristeyeyaal,kuna soo dhowaada rikooraddii waa-weynaa ee laga qoray kullankii Europa League-ga ee ay Liverpool 4-3-da kaga soo baxday Dortmund.

1- Liverpool ayaa semi-finaalka tartamada Yurub gaareysay 5 ka mid ah 6-dii jeer ee ugu dambeysay.

2- Dejan Lovren ayaa 70 kullan kadib goolkii 2-aad u dhaliyay Liverpool.

3-Dhammaan 4 darbo oo ay Liverpool ku gantay shabaqa Dortmund ayaa goolal noqday.

4- Divock Origi ayaa 4 gool u dhaliyay Liverpool 3-diisii kullan ee ugu dambeysay.

5-Liverpool ayaan xitaa hal jeer kubadda ku aadinin goosha Dortmund qeybtii hore ee kullankii ay 4-3-da kusoo baxday.Shabakadda cayaaraha ee Laacibiin.com ayaa dareensan in Jugen Klopp uu ammaan badan ku muteysan doono guushan.

6-Liverpool ayaa tartamada Yurub tan iyo bishii October 2014-kii garoonkeeda Anfield looga dhaliyay  wax ka badan 1 gool,-Real Madrid ayaana xilligaas ku garcaaday 0-3.

7- Liverpool ayaan weligeed tartakan wax guul-darro ah kala kulmin kooxaha reer Jarmal.

COMMENTS
Latest News