Haqabtirenews.com
Majaajilayste Xiisad Siyaasadeed Ka Dhex Abuuray Dowladaha Turkiga Iyo Jarmalka.
April 14, 2016 - Written by admin
">

jan_2

Majaajiliiste caan ah oo u dhashay dalka Germany ayaa xiisad Siyaasadeed waxa uu ka dhax abuuray Dowladaha Turkiga iyo Germany, kadib markii uu aflgaado u geestay kuna xadgudbay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan .

Jan Boehmermann, oo ah Nin Majaajiliiste ah ayaa barnaamij uu ku leeyahay telefishinka ZDF ee laga leeyahay dalka Germany waxa uu aflgaado aan lala gamban u geestay Madaxweynaha Dalka Turkiga , waxa ayna arintan hada dhalisay Xiisad Siyaasadeed.

Ninkan Majaajiliistaha ah ayaa Barnaamij ka baxay Telefishinka ZDF waxa uu ku tiriayay Gabay uu wax uga sheegay Madaxweynaha Turkiga, waxa uuna ku tilmaamay Rajeb Tayyib Erdogan in uu yahay nin xun oo caburiya shacabka wadankiisa,

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa si weyn uga carooday aflagaada uu u geestay Ninkan majaajiliiastaha ah, waxa uuna sheegay in uu cadaalada lala tiigsanayo, isagoona sidoo kale fariin dacwo ah u diray Dowlada Germany ay hogaamiso Angela Markel.

Qareeno u doodaya Madaxweynaha Turkiga ayaa diyaariyay dacwad ka dhan ah Barnaamijka ka baxay TV-ga ZDF, iyo ninka tiriyay gabayga aflagaada ah , waxa ayna arintan xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay Dowladaha Germany iyo Turkiga oo dhawaan heshiis kala saxiixday.

Waxaana suurto gal ah in xariirka labada wadan ay xumeyso dacaayadan laga faafiyay Madxaweynaha Turkiga hadii aysan Dowlada Germany aysan qaadin tilaabo ayna raali galin ka bixin aflagaadada loo geestay Madaxweyne Erdogan.

Ninka Majaajiliistaha ah oo lagu magacabao Jan Boehmermann, ayaa dhawaan hortagi doona maxkamada loo gudbinayo dacwadaha loo heesto, waxa uu sidoo kale ninkan lasoo darsay cabsi badan kadib markii ay hanjabaadyo usoo jeediyeen Taageerayaasha Erdogan ee ku sugan Germany, waxaana ninkan hada lagu hayaa goob qarsoodi ah ay waardiyeenayaan ciidamo booliis ah.

COMMENTS
Latest News