Haqabtirenews.com
Kooxda Fiorentina Oo Doonaysa In Ay Xiisaha Manchester United Ee Federico Bernardeschi Uga Faa’iidaysato Sidii Ay Ku Heli Lahayd Marcus Rashford.
April 14, 2016 - Written by admin
">

Manchester United ayaa xiiso wayn u haysa xidiga kooxda Fiorentina ee Federico Bernardeschi, waxayna Red Devils doonaysaa in ay xidigan garabka ka ciyaara la soo wareegto xagaaga, laakiin kooxda Fiorentina ayaa dhankeeda ku fikiraysa in ay xiisaha Man United ee Federico Bernardeschi ay uga faa’iidaysato in heshiiska uu qayb ka noqdo da’yarka Man United ee Marcus Rashford, sida ay ku warantay jariirada La Nazione oo Florence ka soo baxda.

22 jirkan Federico Bernardeschi ayaa hore loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Chelsea, waxaana jiray warar sheegayay in Manchester United horeba looga soo diiday dalab ay xidigan ku doonaysay. Waxaana jiray war hore oo sheegyay in Man United ay xidigan ku dalbatay 22.9 milyan gini balse kooxda Fiorintina ayaa £31.6 milyan oo gini xidigan ku qiimaynaysa.ederico Bernardeschi

Sir Alex Ferguson ayaa sanadkii 2011 xiiso ka muujiyay  Federico Bernardeschi isaga oo markaas 17 sano jir kaliya ahaa sida ay ku warantay Calciomercato. Si kastaba ha ahaatee Man United ayaa sare u qaaday dalabka ay ku doonayso Bernardeschi, waxayna kooxda ree Talyaani u soo badhigtay 28 milyan oo eruos laakiin Fiorentina ayaa si ay heshiiskan u gasho ku darsanaysa in Marcus Rashford uu iyada u soo wareego.Marcus Rashford

 

COMMENTS
Latest News