Haqabtirenews.com
DAAWO: Sawiro iyo Muuqaal : Gaadhiga Aduunka ugu xawaaraha dheereeya oo la Soo Saaray
April 14, 2016 - Written by admin
">

Shirkadda Caanka ah ee Nissan soona saarta gaadiidka kala duwan ayaa ku guuleesatay in ay markan soo saarto gaariga aduunka ugu xawaaraha dheereeya ee MY16 Nissan GT-R, waxaana gaarigan cusub loo caleemo saaray in uu yahay kan ugu xawaaraha dheereeya Dunida.

Gaarigan Cusub ayaa tijaabo lagu sameenayay xawaarihiisa waxa ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Fujairah ee dalka Isu Taga Imaaratka Carabta, waxaana gaarigan uu waday Darawal u dhashay dalka Polanad, uu ku orday xawaare dhan 304.96 km/hr.

Shirkadda Nissan Gaarigan cusub ee soo saartay ayaa sidan ku galay Buuga lagu diwaan galiyo Dhacdooyinka Caalamka ee Guinness World Records, waxa uuna gaarigan noqday kan ugu xawaaraha dheereeya Xiligan Dunida.





 

COMMENTS
Latest News