Haqabtirenews.com
Super Ronaldo Oo Labo Rikoor Kale Oo Cusub U Dhigay Champions League Xalayto, Mid Kalena Ku Dhow Inuu Jabiyo.
April 13, 2016 - Written by admin
">

Yaa yiri Cristiano Ronaldo wuu dhaafay waqtigiisii uu ugu fiicnaa?

Xiddiga reer Portugal ayaa mar kale badbaadiyay Real Madrid isagoo seddexleey uu xalayto dhaliyay ay keentay inay 3-2 ku garaacaan wareega 8da kooxda Wolfsburg iyadoo kooxda Isbaanishka ay markii lixaad oo isku xigta ay iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions League.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa lugtii hore looga soo badiyay 2-0 laakiin Ronaldo ayaa seddexleey dhaliyay taasoo keentay in Madrid ay soo baxdo.

2467672_heroa

Waxaana 31 jirkaan uu dhigay labo rikoor kale oo Champions League ah.

Seddexleydiisii xalayto waa markii seddexaad uu ka dhaliyo Champions League xilli ciyaareedkan, ma jiro ciyaaryahan kale oo seddex seddexleey dhaliyay hal xilli ciyaareed Champions League.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliya 15 gool ama ka badan labo xilli ciyaareed oo Champions League ah.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 16 gool Champions League, waxaana uu labo gool u jiraa inuu jabiyo rikoorkii uu dhigay xilli ciyaareedkii 2013-14.

CR7 ayaa heysta rikoorka gooldhalinta ugu badan ee hal xilli ciyaareed isagoo dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii 2013-14 ee ay Real Madrid ku guuleysatay La Decima.

COMMENTS
Latest News