Haqabtirenews.com
AKHRI Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shir Caalamiya Kaga Qayb Galay Dalka Kenya.
April 13, 2016 - Written by admin
">

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Dalka Kenya Ayaa Maanta Ka Qayb Galay Shir Ay Soo Qaban Qaabisay Haayada Eu cab -Nester Xarunteeda Magaalada Nairobi.

 

image

Shirkani oo ay kasoo qayb galay haayado badan oo ka socda midawga yurub iyo qarammada midoobay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa loona tayeyn lahaa ciidamada ilaalada badda JSL, boliska iyo barmaamijyo kale.

image

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde Ayaa Socdaalkiisan Ay Ku Wehelinayaan Taliyaha Ciidamada Ilaalada Bada Maxamed xuseen Xiirane, La Taliyaha wasiirka ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Suhuur Fadxi Mukhtar Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha

COMMENTS
Latest News