Haqabtirenews.com
AKHRI Maayarka Caasimada Hargeysa Iyo Xildhibaanadiisa Ayaa Si Xaq Daro Ah Ugu Cadaalad Sameeyey Laba Wado Oo Laga Maal Galinayey Mashruuca JPLG
April 12, 2016 - Written by admin
">

Maayarka caasimada Hargeysa iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa si xaq daro ah ugu cadaalad sameeyey laba wado oo laga maal galinayey mashruuca JPLG kuwaas oo midna la fuliyey mid kalana lacagtii loogu tala galay ilaa hada la la yahay.

Sida ay xaqiijiyeen wararka laga helayo maayarka caasimada iyo masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, waxay hirgeliyeen dhismaha wado laga maal galinayey mashruuca JPLG  oo dhinaca bari ka xigta garoonka kubada cagta ee xawaadle ee degmada 26-ka June, taas oo dhismaheedu haatan gaba gabo ku dhaw yahay.


 Maayarka caasimada Hargeysa oo ka soo jeeda degmadaasi ayaa awooda dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo wadooyinka ay dhisayso iskugu geeyey degmooyinka laga soo doortay halka aanu ilaa hada hal wado ka hir gelin degmooyinka koonfurta caasimada Hargeysa, iyada oo uu ilaa hada si cad u hor taagan yahay dayactir loogu tala galay in lagu sameeyo wadada  tagta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo burbur laxaad lihi ka muuqdo.

Maayarka caasimada ayaan ilaa hada laga  hayn halka ay ku danbaysay lacag loogu tala galay in lagu dhiso wadada xaafada Axmed Guray ee degmada Axmed Dhagax, wadadaas oo laga maal galinayey mashruuca JPLG isla markaana ay mataano ahaayeen wadada dhismaheedu gabo gabada ku dhaw yahay ee xaafada Xawaadle, iyada oo maayarka caasimada iyo xildhibaanada golaha deegaanku ay wadadaasi dhigeen caro tuul wakhtiyadan roobka dhibaato badan ku haya dadka u dhaw wadadaasi.

Xildhibaanada ku jira golaha deegaanka caasimada Hargeysa ee iyaguna ka soo jeeda xaafada wadadani marto ee Axmed Guray ayaan ilaa hada wax dareen ah ka muujin awooda uu maayarka caasimadu ku hor taagan yahay dhismaha wadadaasi.

dhinaca kale waxaan ilaa hada la hayn natiijada ka soo baxday kulan ay maayarka caasimada Hargeysa la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumada dhexe oo uu ugu horeeyo wasiirka Madaxtooyadu, kuwaas oo wax ka waydiinayey halka ay ku danbaysaydhismaha waddada xaafada Axmed Guray oo ay masuuliyiinta dawlada hoose faraha ka qaadeen markii ay caro tuulka dhigeen, iyada oo waddadaas laga maal galinayey mashruuca JPLG

Si kastaba ha ahaatee maayarka caasimada Hargeysa ayaa inta badan lagu tilmaamaa masuul ku mashquulsan wax u qabashada  degmooyinka laga soo doortay oo kaliya,  isla markaana iska ilaaway degmooyinka kale ee caasimada, iyada oo qaar ka mid ah madax dhaqameedkuna soo jeediyeen in caasimada Hargeysa loo sameeyo laba maayar.

 

Xafiika Haqabtire 

Burco /Office

COMMENTS
Latest News