Haqabtirenews.com
AKHRI Xuska Maalinta Aas Aaska Ciidanka Somaliya Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan+Sawiro
April 12, 2016 - Written by admin
">

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Somaliya ayaa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey aas aaska ciidanka xooga dalka somaliya.

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka hiiraan, duubabka dhaqanka, saraakiisha ciidamada dawlada fadaraalka ah, saraakiil ka socotay ciidamada Amisom iyo xubno ka socday ururada bulshada ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka gobolka Hiiraan, Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay inay 12-ka Abriil ay qiimo aad u weyn ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed, Maadaam ay tahay maalintii la aasaasay ciidamada difaaca dalka Soomaaliya.Munaasibadan ayaa waxa hadalo kooban ka jeediyey taliska ciidamada xooga dalka Somaliya ee gobolka Hiiraan iyo kuwa midawga Afrika ee ka hawl gala gala gobolkaasi,masuuliyiinta dawlada fadaraalka ah iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimada xuskani  leeyahay ciidanka xooga dalka somaliya.

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo isagana ka hadal ka jeediyay xuska ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeyay, inaysan sidii looga baaha u garab-istaagin ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan iyo sidoo kale booliiska iyo kuwa nabad-sugida.


Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa duubabkii dhaqanka ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Raage, Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi

 

Xafiiska Warqabadka Ee Haqabtire

Burco/Office

COMMENTS
Latest News