Haqabtirenews.com
Kabtanka Man City Ee Vicent Kompany Oo Seegi Doona Kulanka Muhiimka Ah Ee Ay La Leeyihiin PSG.
April 11, 2016 - Written by admin
">

Vincent Kompany ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka adag ee Manchester City ay tartanka Champions League la ciyaari doonto kooxda Paris Saint-Germain habeenka talaadada ah ee soo aadan.

Daafacaan 30- jirka ah ayaana garoomada ka soo muuqan tan iyo kulankii ay kooxda City barbaraha goolal la’aanta ah la gashay kooxda Dynamo Kyiv ee March 15 kadib markii uu dilaacay seedka dahaara kubka.

“Vincent Kompany taam ma aha boqolkiiba 100 sidaasi darteed amcquul ma aha inuu ciyaaro kulankaan,” ayuu Manuel Pellegrini saxaafada u sheegay maanta, warkaan ayaana ku soo aaday xili uu Nicolas Otamendi la kulmay dhibaato anqowga ah kulankii ay 2-1 guusha uga gaareen West Brom laakin uu macalin Manuel Pellegrini xaqiijiyay inuu taam u yahay kulankaan.

Kompany and Pellegrini

Dhanka kale City ayaa war farxad leh ka heshay xaalada David Silva, kaasoo taam buuxa u ah kulankaan muhiimka ah ee ay kooxdiisa taariikhda ku dhigi karto.

COMMENTS
Latest News