Haqabtirenews.com
Goolhaye Wojciech Szczesny Oo Ku Biiray Dadka Aduunka Ee Kooxda Leicester City U Rajaynaya In Ay Koobka Horyaalka Ingiriiska Ku Guulaysato Isga Oo Sheegay In Foxes Ay Cidkasta Tusaale U Yihiin.
April 11, 2016 - Written by admin
">

Dadka aduunka ayaa si wayn kooxda Leicester City xili ciyaareedkan ugu taageeraya in ay ku guulaysato koobka horyaalka Ingiriiska ee ay sida lama filaank ah ugu noqotay kooxda ugu cad cad waxayna hadda u sii dhawaanaysaa in ay ku guulaysato Premier Leaque-ga, waxaana dadka kooxda Foxes koobka ku taageeray ka mid ah goolhayaha Arsenal amaahda kaga maqan ee Wojciech Szczesny.

Rajadii Arsenal ee  ahayd in ay koobka horyaalka Ingiriiska ku guulaysato ayay West Ham United god dheer ku sii riday wuxuuna Wojciech Szczesny sheegay in qofkasta oo kubbada cagta ahi aanu sharixi karin muxjisada ay xili ciyaareedkan samaynayso kooxda Claudio Ranieri. Tababare Ranieri ayaa ilmada haysan kari waayay markii ay kooxdiisu guul ka soo gaadhay kooxda Sunderland.Leicester City
Wojciech Szczesny oo la hadlayay Sky Sports ayaa yidhi: “Ma jiro qof kubbada cata ah oo sharixi kara mucjisada Liecester, inkasta oo aan anigu  Arsenal  ku taageero Premier Leaque-ga, waxaan jeclaan lahaa in aan arko kooxda Ranieri oo ku guulaysatay koobka. Leicester City waa tusaale, waxayna dhiiro galin u yihiin cid kasta, waa wax xiiso leh in aad daawato marka ay ciyaarayaan”.Wojciech SzczesnyArsenal ayaa dhamaadkii sanadkii 2015 ee badhitamihii xili ciyaareedkan loo arkayay in ay ka faa’iidaysanayso dhibaatada haysatay kooxaha waa waa wayn ee Premier Leaque-ga laakiin Gunners ayaa sanadka 2016 bilaabay in ay gadaal u socdaan, waxayna iska lumiyeen wax lagu tilmaamay fursadii ugu fiicnayd ee ay ku soo gabagabayn kareen abaarta koob la’aanta Premier Leaque-ga ee tan iyo 2004 kii.

 

COMMENTS
Latest News