Haqabtirenews.com
War Deg-Deg Ah Roobab Mahiigaan Ah Oo Hadda Qabsaday Magaalada Burco Xili Bulshadu Aad Uga Cabanaysay Kulayl Badan Oo Magaalada Ka Jiray.
April 10, 2016 - Written by admin
">

Waxa Hadda Magaalada Burco Ka Bilowmay Da’itaanka Roob Mahiigaan Ah isla Markaasina ay Bulshada Gobolka Togdheer Gaar ahaan magaalada Burc ay aad ugu diirsadeen raxmaadkani eebe ee Hadda oo ay Saacadu Tahay  7 : 15 PM ka da’aaya Magaalada Burco.

Maalmihii Ugu dambeeyey waxa magaalada Burco Ka Jiray Kulayl aad u badan kaasi oo astaan u ahaa Roobabkani Caawa Ilaa xalay magaalada ka da’aaya.

Sidoo kale Waxa uu habeenkii xalay ahaa Roobab xoogani ka da’een deegaano Kala duwan oo hoos yimaada Gobolkani Togdheer, Iyadoo ay Qaylo dhaan biyo la,aaneed ka soo yeedhaysay dadka deegaanadaasi ku noolaa Balse Allah Awooda Badan ayaa ka soo Furtay qaylo Dhaantaasi Iyada oo ay hada bulshadu barwaaqo afka saaree.

 

Xafiiska Warqabadka

Haqabtire News

Burco-Office.

 

COMMENTS
Latest News