Haqabtirenews.com
“Waan Tagayaa!” Yaya Toure Oo Qaadaya Talaabo Aan Hore Loogu Arag Ciyaaryahan Weyn Si Uu Uga Tago Manchester City.
April 10, 2016 - Written by admin
">

Jariirada Daily Mirror ayaa qoreysa in Yaya Toure uu noqon doono xiddigii ugu horeeyay ee mafac weyn ee iibsada inta ka hartay qandaraaskiisa haddii ay Manchester City isku daydo inay ceshato sannadkiisa ugu danbeeya ee qandaraaskiisa haatan.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa diyaar u ah inuu City siiyo lacag magdhow ah oo gaareysa mushaharkii uu qaadan lahaa mudada sannadka ee ugu harsan qandaraaskiisa si uu xagaagan u noqdo ciyaaryahan xor ah waxaana uu doonayaa inuu isticmaalo sharci muran dhaliyay oo FIFA ay leedahay.

Toure ayaa ka careysan in Man City ay ku guuldareysatay inay heshiis seddex sanno ah soo hordhigtay, waxaana wakiilkiisa Dimitri Seluk uu u sheegay Sunday Mirror in agaasimaha kooxda Man City Txiki Begiristain inuu jabiyay labo balamood oo ku aadan waqtiga la bilaabayo wadahadalada qandaraas kordhinta.

Seluk ayaana labo waxyabood kala dooransiiyay Man City kuwaasoo cadeeyay inaysan wax qandaraas cusub u soo bandhigi doonin ciyaaryahanka ilaa iyo uu Pep Guardiola ka imaanayo Etihad Stadium.

Manchester-City-v-Dynamo-Kyiv-Champions-League-Round-of-16-second-leg

Tan hore waxa ay tahay inay 32 jirkaan u ogolaadaan inuu si xor ah u baxo xagaagan, iyagoo abaalmarin ahaan uga dhigaya mudadii lixda sanno aheyd ee uu kooxda u soo adeegayay isagoo baal dahab ah ka galay taariikhda kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ayaa markaas balanqaadi doono inuu isna u saxiixi doonin koox kale oo Premier League ka ciyaarta.

Tan labaad waxa ay tahay in Toure uu isticmaalo qodobka 17aad ee sharciga suuqa kala iibsiga FIFA ee sidoo kale loo yaqaano Webster Ruling oo ah inuu Man City siiyo lacag magdhow ah oo u dhiganta 12ka bilood ee uga haray qandaraaskiisa.

Toure waxa uu haatan Etihad ka qaataa 230 kun ginni isbuucii waana ku dhawaad 12 milyan ginni sannadkii, laakiin Seluk ayaa xisaabiyay inuu awoodi doono inuu ciyaaryahankiisa uga soo saaro Etihad Stadium lacag ka yar 10 milyan ginni.

COMMENTS
Latest News