Haqabtirenews.com
Talo Ku Socota CALI Iyo JAMAAL Iyo UCID By Mukhtar Cilmi
April 10, 2016 - Written by admin
">

Talo Ku Socota CALI Iyo JAMAAL Iyo UCID By Mukhtar Cilmi

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

 

Waxaan la yaabay gudiga fulinta ee xisbiga FAYSAL maanta ku soo qaatay mashruuc babi’intiisa oo xilki ka xayuubiyay CALI GURAY iyo BADMAAX iyo wixi raacsana JAMAAL CALI XUSEEN si loo cidhib tiro musharaxnimadiisa.hawsha faysal cid hakisa ama joojisa ma jirto UCID gudahiisa taasna waxay tahay in u xisbigu burburay oo musharaxnimadiisuna ay khatar gashay si cad.hadaba CALI GURAY waa inuu aarsadaa oo mucaaridnimadiisuna ay u wareegta bahweynta WADDANI ee mar walba soo dhaweyn doono CALI iyo garabka ka soo bixii doona UCID BARYAHAN DHOW.siyasadda CALI waa WADDANI ayay ku haboontahay waana xisbiga kaliya ee dalkan bad baadin doona ,dadka u damqada somaliland na so dhaweyn doono gacmo furan.JAMAAL CALI XUSEEN waa siyaasi jecel somaliland inuu badalo oo khibradiisa dibadeed ka fuliyo dalkan, hadaba marxaldan oo uu ku jiro UCID surtal gal uma noqonayso ilayn waad aragtaan FAYSAL YALAXOW sidee ugu haysto xaqa JAMAAL ee musharaxnimaddisa. Waxaan u soo jeedin laha JAMAAL inuu u baneyo FAYSAAL una haweyo guriga UCID kunana soo biiro WADDANI khibradiisana ku soo hago isbedelka dhuici doona 2017 inshalaahu, isago fursad ka heli doona doorashooyinka danbe ee golayaasha deeganaada ee ku eeg DEC 2017 haduu markaas urur la soo baxo oo beri sida FAYSAL cidna ku qabsanayn!.waana iga TALO.

 

By Mukhtar Cilmi

thumb

COMMENTS
Latest News