Haqabtirenews.com
Sam Allardyce Oo Niyadjabiyay Jamaahiirta Arsenal Ka Dib Isbarbardhig Uu Ku Sameeyay Xilli Ciyaareedka Gunners & Leicester City.
April 10, 2016 - Written by admin
">

Tababaraha kooxda Sunderland Sam Allardyce ayaa niyadjabiyay kooxda Arsenal isagoo sheegay inay iska gubeen fursadoodii ugu fiicneyd ee ay ku soo gabagabeyn lahaayeen abaarta ka heysta koobks horyaalka Premier League.

Fursadii ay Arsenal u heysatay inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horeysay ee tan iyo 2004 ayaa waxaa soo wajahday dib u dhac aad u weyn ka dib markii ay barbaro 3-3 kala kulmeen West Ham shalayto.

Kooxda Arsene Wenger ayaana 10 dhibcood haatan ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Leicester City kuwaasoo hogaanka sii dheereysan kara kulanka ay maanta la ciyaarayaan kooxda ka baqeysa inay u dhacdo heerka labaad ee Sunderland.

wengerallardyce-cropped_qdpb8dldgnh310zquk99ytwlz

Allardyce ayaana soo xusuusiyay Wenger fursada weyn ee ay iska qasaarisay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

“Ma heli doonaan waqti ka fiican oo ay ku guuleysan karaan horyaalka oo aan ka aheyn xilli ciyaareedkan” ayuu Allardyce u sheegay suxufiyiinta.

“Xilli ciyaareed iska caadi ah waxa ay keeni laheyd in Leicester ay ku dhameysato afarta kaalimood ee ugu sareysa, taasoo noqon laheyd mucjiso.

“Laakiin waxa ay heleen fursad ay muran la’aan Arsenal seegtay. Leicester waa ay ka faa’ideysatay, Arsenal iyadana waa ay qasaarisay.

“Waxaan dhamaanteen dhaheynay, ‘Alla maxay fursad heysataa Arsenal’. Waxay ka faa’ideysan doonaan sibxashada City, Chelsea iyo United oo waxay ku guuleysan doonaan horyaalka.

“Laakiin Leicester ayaa soo bandhigtay sida fursad looga faa’ideysto.”

COMMENTS
Latest News