Haqabtirenews.com
Jose Mourinho: Ma Jiro Heshiis Hordhac Ah Oo Aan Kula Jiro Man United, Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Qabto Koox Kasta & Xul Kasta.
April 10, 2016 - Written by admin
">

ose Mourinho ayaa sheegay inaysan jirin heshiis uu la galay Manchester United oo ku aadan inuu kooxda tababare ka noqdo xilli ciyaareedka danbe.

Mourinho ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu noqonayo tababaraha cusub ee Man United xilli ciyaareedka soo socda iyadoo Louis van Gaal uu cadaadi badan ku wajahayo shaqada kooxda lana filayo in la fasaxo xagaagan.

Wargeysyada dalka Ingariiska ka soo baxa ayaa sheegayay in Mourinho uu heshiis hordhac ah u saxiixay kooxda Old Trafford ka dhisan laakiin tababarihii hore ee Chelsea ayaa sheegay inaysan jirin heshiis ay gaareen.

josemourinho-cropped_18hx7y69xd36n1ab2wbj71dys4

“Van Gaal waa saaxiibkeey, waxaan la shaqeeyay isaga sannado yar” ayuu tababaraha reer Portugal u sheegay Sky Sports.

“Mar walba waxaa la ila xiriirinayay shaqooyin, xagaaga ayaana shaqo heli doonaa, laakiin waxaan idiin balanqaadi karaa inaan wax qandaraas ah kula jirin kooxna.

“Ma taagni boos aan ku diido shaqo, waxaanse joog waqti aan wax walba qiimeyn lahaa. Waxaan joogaa waqti aan u furanahay inaan qabto koox kasta iyo xul kasta.”

Inkastoo uu Mourinho sheegay inuu u furan yahay shaqo kasta, hadana waxa uu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Premier League.

“Waa inaan si daacad ah u hadlo, haddii ay macquul tahay waxaan jeclaan lahaa inaan helo koox u fiican waayaheyga ciyaareed, islamarkaana ay kula soo laabto wax walba oo aan hayo” ayuu 53 jirkaan hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan doorbidi lahaa inaan shaqo ka helo England. Waan jeclahay wadankaan, waana jeclahay kubada halkaan laga ciyaaro, qoyskeyga si wanaagsan ayay u saldhigteen waana ay ku faraxsan yihiin.

“Haddii ay macquul tahay, haa, waa dooqeysa koowaad inaan England shaqo ka helo”

COMMENTS
Latest News