Haqabtirenews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti Oo Mar Labaad La Cumaamaday.
April 10, 2016 - Written by admin
">

Guddomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland  ahna guddomiyahaa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka mudanayaasha golaha wakiilada iyo ka xisbiga WADDANI,wuxuu dhammaal hamabalyo ah u dirayaa shacabka  reer jabuuti iyo dowlda dalka jabuuti,isagoo ku hamabalyeyna doorashadii sida nabadglyada lahayd uga qabsoontey dalkaasi jimcihii doraad,waxaanu si gaar ah u hambalyeynaa guddoomiye C/raxmaan Cirro  Madaxweynaha dalkaasi Jabuuuti oo markii afraad loo doortay maalintii jimcihii inuu noqdo madaxweynaha dalka jabuuti.

Md C/raxmaan Cirro ayaa sheegay inuu ku faraxsanyaha guusha uu doorashadii madaxatooyada maalintii jimcihii ka dhacday dalka jabuuti uu ka gaadhay Madaxweyne Md. Ismaciil Cumar Geelle,ka dib  ay shacabka reer Jabuuti marki afraad u dooteen madaxweyne jamhuuriyada jabuuti inuu noqdo Md.Ismaaciil Cumar,waxaanu
xusay guddoomiye C/raxmaan Cirro inuu Madaxweyne Ismaaciil uu ku suntayahay astaanta horumarka Geeska afrika, isagoo sidoo kalena  Guddoomiye Cirro ku hambalyeeyay shacabka reer jabuuti ee codkooda siiyey ismaaciil cumar Geelle iyo guud ahaanba shacab weynaha reer jabuuti .

 

Guddoomiye c/raxman Cirro ayaa  sheegay in uu u rajaynayo shacabka reer jabuuti iyo madaxweynaha marka afraad loo doortey hoggaminta talada dalka jamhuuriyada jabuuti  ee Ismaciil Cumar Geelle in ay ku nooladaan nabad barwaaqo iyo horumar.

 

COMMENTS
Latest News