Haqabtirenews.com
War Deg-Deg Ah Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidamada Ismaamulka Somalida Itoobiya Iyo Dadka Shacabka Ah Ee Ku Nool Deegaanka Daalaco.
April 9, 2016 - Written by admin
">

Isku Hor Imaad Dhex Maray Qaar Ka Mida Ciidamada DDSI Iyo Dadka Shacabka Ah Ee Ku Nool Deegaanka Daalaco.

Wararka Aanu Ka Helayna Tuulada Daalaco Oo Ka Tirsan Degmada Duruqsi Ayaa Waxaa Maanta Ka Dhacay Shaqaaqo Iyo Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidamada Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyo Shacabka Degan Tuuladaas Kaas Oo Salka Ku Hayo Amaro Ay Ku Soo Rogeen Ciidamada DDSI Isla Markaana Ay Doonayaan Inay Kula Wareegaan Gaadiid Ay Leeyihiin Dad Shacab Ah

Waxaana Ciidanka DDSI Ay Gacanta Ku Dhigeen Mid Ka Mida Gaadiidleyda U Kala Gooshta Deegaanka Daalaco Iyo Gobolka Togdheer Isla Markaana Waxaa Isku Dhac Balaadhani Dhex Maray Dadka Degan Tuulada Iyo Ciidanka, Dadkan Tuulada Ku Nool Ayaa Ka Gadoodsana Baabuurta Ay Leeyihiin Dadka Tuuladu Ee Loo Taxaabayo Sida Sharci Darada Ah Waxaanay Is Rasaasayni Dhex Martay Ciidanka Iyo Dadka Shacabk Ah.

Mid Ka Mida Goob Joogayaasha Tuulada Ayaa Sheegay In Baabuurtii Ay Ka Xaysteen Ciidanku Ay Ka Daba Tageen Iyaga Oo Ku Hubaysan Qoryo Isla Markaana Ay Ka Soo Reebeen Ciidanka Laba Gaadhi Oo Ay Doonaayeen In Ay Geeyaan Deegaanada Iyo Gobolada DDSI Oo La Doonaayo In Looga Soo Sameeyo Sharciyo Wada Maris Ah Waxaanu Ii Xaqiijiyay Goob Joogahani In Ay Hada Degantahay Xaalada Tuuladu Balse Ay Jiraan Ciidamo La Sheegayo Inay Ku Soo Fool Leeyihiin Tuuladu,Dhanka Kale Waxa Uu Sheegay In Dadka Shacabka Ah Iyaguna Dhankooda Ay Ku Jiraan Diyaar Garaw Iyo Iska Caabin Ay Doonayaan Inay Iskaga Waabiyaan Ciidamada Ku Soo Fooda Leh,Ma Jiraan Wax Khasaare Ah Oo La Noo Xaqiijayay Oo Ka Dhashay Shaqaaqadan.

Gudoomiyaha Degmada Xisbiga U Cid Ee Gobolka Togdheer Mud,Cabdi Sugaal Ayaa Isaguna Ka Hadlay Dhacdadan Waxaanu Sheegay In Uu Aad Uga Xun Yahay Dhacdadan Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Daaloco Oo Ka Tirsan Degmada Duruqsi Waxaanu Yidhi,Maaha Markii Ugu Horaysay Ee Ciidanka DDSI Ay La Dagaalamaan Dadka Shacabka Ah Ee Ku Nool Tuulooyinka Xuduudka Ah Ee U Dhexeeya Labada Dawladood Balse Waxaa Jirtay Marar Badan Oo Ay Isku Dhaceen Dadka Shacabka Ah Ee Ku Nool Qaar Ka Mida Deegaanada Xuduudka Iyo Ciidamada DDSI Runtii Waa Dhacdo Aad U Fool Xun Waxaan Leeyahay Hogaamiyayaasha Iyo Saraakiisha Ciidanka DDSI Ka Waantooba Waxyaalaha Khal Khalka Gelinaaya Dhanka Amaanka Oo U Tudha Dadka Shacabka Ah Ee Aad Maalin Walba Kaga Oohinaysaan.

 

COMMENTS
Latest News