Haqabtirenews.com
Xiliciyaareedkii Arjen Robben Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Soo Idlaado.
April 7, 2016 - Written by admin
">

Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war aysan ku farxin kadib markii lasheegay in laacibkooda reer Holland ee Arjen Robben uu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Wargayska Sport1 ee dalka Germanka ayaa daaha ka qaaday in laga cabsi qabo in Arjen Robben uu garoomada faarujiyo inta ka harsan xiliciyaareed kaan gabagabada ah.

Arjen Robben ayaa niyad jab ka muujiyay dhaawacaan soo gaaray xili uu sheegay inuu ku jiray qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa laakiin wuxuu taas siidaba dhigay inuusan isdhiibi doonin.

“Waxaan u shaqaynayaa sidii aan dib ugu soo laaban lahaa gaoomada, laakiin ma jiro waqti go’an, waa arin niyad jab leh, waxaan dib u helay qaab ciyaareedkayga wanaagsan diyaar ayaanan u ahaa kulamada waa wayn” ayuu yiri Arjen Robben oo ka hadlay dhaawiciisa.

Laacibka reer Holland ayaa intaas ku daray: “Isma dhiibi doono” oo uu ula jeedo inuu ku dadaali doono sidii uu dib ugu soo laaban lahaa garoomada.

COMMENTS
Latest News