Haqabtirenews.com
Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Masar.
April 7, 2016 - Written by admin
">

Ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la aaminsan yahay in ay baddu liqdey kadib markii doonta ay saarnaayeen ay ku degtey meel aan ka fogeyn biyaha dalka Masar, sida ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada dalka Masar.

Sawir Hore: Qaxootiga Siiriya

Sawir Hore: Qaxootiga Siiriya

Tahriibayaasha ayaa ku jeedey dalalka Yurub markii doontu degeysey, waxaana saarnaa doonta degtey dad ka badan 131 qof oo u dhashey dalal kala duwan. Ciidamada badda ee dalka Masar ayaa ilaa hadda soo badbaadiyey 105 qof.

Advertisement

Doonta degtey ayaa ka baxdey xeebaha Masar maalintii Khamiista ee la soo dhaafey.

Wargeyska Cairo Post ayaa sheegaya in ilaa hadda Meydkooda la hayo afar qof oo Soomaali ah iyo hal qof oo Masaari ah, waxaana la baadigoobayaa meydadka aan weli la helin oo ka badan 15 qof.

Afhayeenka ciidamada magaalada Kafr El Sheekh Maxamed Samir ayaa ka codsadey dadka aaminsan in ehelkoodu ay la socdeen doontaas in ay tagaan isbitaalka magaalada isla markaana si ay u aqoonsadaan meydadka.

Dalka Masar ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo baxaan Muhaajiriinta doonaya in ay soo gaaraan Midowga Yurub, iyada oo xaaladda qaxooti ee Midowga Yurub ay noqotey mushkiladda ugu weyn ee Midowga la soo deristey sanadihii u danbeeyey.

COMMENTS
Latest News