Haqabtirenews.com
Waa Sidee Horumarka Kooxaha Lagu Dhisay Lacagta Carbeed Ee Manchester City Iyo Paris Saint-Germain Ka Hor Kulanka Lugta Hore Ee Labada Kooxood Ee Champions Leaque-ga
April 6, 2016 - Written by admin
">

Marka ay kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ay ku kulmaan lugta hore ee Champions League-ga wareegiisa sideed dhamaadka ayaa marka laga yimaado wadamada England iyo France oo ay labada kooxood ka kala dhisan yihiin, waxaa si xoogan looga kala taageeri doonaa wadamada carbeed ee Qatar iyo Abu Dhabi. Maalqabeenada  Qatar Sports Investment oo sanadkii 2011 kii la wareegay PSG iyo Abu Dhabi United oo kooxda Manchester City maalgashaday sanadkii 2008 kii ayaa saamaynta ugu wayn ku yeeshay horumarka labada kooxood.

Intii ayna maalqabeenada carbeed la wareegin kooxaha PSG iyo Manchester City ayaan awood dhaqaale iyo kubbadeed oo la mid ah ama u dhaw tan ay hadda leeyihiin ka fogaa, waxayna hadda ku socdaan dardar iyo in ay taariikh cusub ka samayn karaan yurub. Kooxaha PSG iyo Manchester City ayaa u dagaalamaya sidii ay markii ugu horaysay u soo gaadhi lahaayeen afar dhamaadka Champions leaque-ga waxaana hubaal ah in midkood ay taariikhdaa heli doonto.

Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa horumarka, dhaqan dhaqaale, kooxeex  iyo bulsho ee ay kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ku hoos sameeyeen maal galinta barriga dhexe kaga timid ee  Qatar Sports Investment iyo Abu Dhabi United. Waxaan qiimayntan ku eegaynaa koobabka ay ku kala guulaysteen muddadii ay maal galinta ka kala heleen wadamada carbeed iyo waxyaabaha la taaban karo ee labada kooxood ku talaabasadeen muddadan.Man City Vs PSG

XOGTA PSG  EE TAN IYO MARKII AY LA WAREEGEEN QATAR SPORTS INVESMENTS:

 MAGACA:Paris Saint-Germain

GAROONKA: Parc des Princes

TABABARAHA:Laurent Blanc (Tababarayaashii waqtigan soo maray Antoine Kombouare (July 2009- Dec 2011), Carlo Ancelotti (Dec 2011 – July 2013), Laurent Blanc (2013-ilss hadda.).

Laurent Blanc (left), the PSG manager, is reportedly on a contract which is worth £4million a year

MUSHAARKA TABABARHA: €5million eueos (£4million pound)

CIDA ISKA LEH: Qatar Sports Investments oo hoostimaada dawlada Qatar

WADANKA MAAL GASHADAY: Qatar

WADANKAY KA DHISAN TAHAY: France

MADAX WAYNAHA: Nasser Al-Khelaifi (42 sano jir)

Nasser Al-Khelaifi (left) is the president of PSG, and has been at the club since the October 2011 takeover

WAQTIGII AY LA WAREEGEEN: October 2011

HANTIDA QATAR SPORTS INVESTMENT:  £120 bilyan sida lagu xusay warbixinta Forbes

QIIMAHA KOOXDA PSG:  £444 Milyan sida lagu xusay warbixinta Forbes

DAKHLIGII 2014/15:  £383.9 Milyan waxayna kaalinta afraad kaga jiraan dakhliga kooxaha aduunka ugu sareeya iyaga oo  £59.3 milyan ka hay kulamada ay ciyaareen,  £80.5 milyana waxay ka heleen xuquuqda baahinta kulamada halka ay arimo ganacsi ku heleen£226 milyan.

Sporting director Leonardo (left) poses alongside David Beckham (centre) and Al-Khelaifi in 2013

LACAGTA AY SUUQA KALA IIBISAGA KU BIXIYEEN: £306.8 Milyan Pound

CIYAARTOYGA UGU QAALISAN: Edinson Cavani oo ay Napoli kagala soo wareegeen £51 milyan oo pound.

KOOBABKA AY KU GUULAYSTEEN INTII LALA WAREEGAY: koobka Ligue 1-ka  2012-13, 2013-14, 2014-15, 2015-16; Koobka French Cupka 2014-15; Koobka French League Cupka 2013-14, 2014-15; Koobka Champions Trophy 2013, 2014, 2015.

HEERKA UGU FIICAN EE CHAMPIONS LEAQUE: Sideed dhamaadka- 2012-13, 2013-14, 2014-15,2015-16

DADKA TWITTERKA KALA SOCDA: 3.38 milyan qof

DADKA FACEBOOK-GA KALA SOCDA:  24.35 milyan qof

Edinson Cavani is PSG's record signing, arriving from Italian club Napoli for £51m in 2013 But Cavani has often been deployed in a wider role in order to accommodate Zlatan Ibrahimovic (right) 

Manchester City take on Paris Saint-Germain in the quarter-final of the Champions League this week

KOOBABKA AY KU GUULAYSTEEN INTII LALA WAREEGAY: koobka Premier League-ga:  2011-12, 2013-14; FA Cup 2010-11; Koobka League Cup/Capital One Cupka: 2013-14, 2015-16; Community Shield-ka 2012

HEERKA UGU FIICAN EE CHAMPIONS LEAQUE: Sideed dhamaadka- 2015-16

DADKA TWITTERKA KALA SOCDA:  3.14 milyan qof

DADKA FACEBOOK-GA KALA SOCDA: 20.6 milyan qof

Kevin De Bruyne (centre) is City's record signing, arriving for a transfer fee of £55millionQatar vs Dubai

COMMENTS
Latest News