Haqabtirenews.com
Tacsi Tiiraanyo Leh: Qore: Abdulkadir Salah Eidleh
April 6, 2016 - Written by admin
">

Geeriyey Xishood laay.. Xejiyaay Fogeeyaay.. Waxaa Maanta Aroornimadii 06/04/2016 Ku Geeriyooday Magaalada Burco Mid Ka Mid Rukunadii Adkaa ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland In badan Ku tiirsanaa Dr Cabdi Aw Daahir.

Dr Cabdi Aw Daahir Cali, Waxa uu Dhaqtar Qaliin iyo Cudurada Guud Inkabadan 30 Sanadood, Sidoo Kale Wuxuu Soo Noqday Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Sanadkii 1997, Waxaa Ka Danbeysay In uu Noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiir Shaqada Iyo Arimaha Bulshada, Wuxuu Siyaasi Ruug-Cadaa ah oo Intii Qarankani Jiray Siyaasadda Waxbadan Ku Soo Darsaday.

Wuxuu Ka Mid ahaa Aasasayaashii Xisbigii UDUB Sanadkii 2000, Khilaaf Xisbiga Dabadeed Wuxuu Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE 2003, Sidoo Kale Wuxuu Ku Jiray Garabkii 26 Oct 2015 Iska Casilay Xukuumadda Siilaanyo ee Lamagac Baxay Isbahaysiga Kulmiye.

Dr Cabdi Aw Daahir Wuxuu Dunida Kaga Tagay 10 Caruura iyo Laba Xaas, isagoo Da’ ahaana Jiray 60 Sano.

Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cabdi Waxaan u lahaa Aqoon Shaqsiyadeed, Wuxuu ahaa Shakhsi Afgaaban oo u Dadaala Waxkaqabashada Baahiyaha Bulshada Dhanka Caafimaadkana Wuxuu Dhakhaatiirta Naadirka ee Khibradoodu aadka u Sareyso, Waxaa Lagu Xasuusan Doonaa Markasta oo uu Siyaasadda Ka Nasto Wuxuu U Xusul Duubi Jiray in uu Umadda Reer Somaliland Caafimaadkeeda Daryeelo.

Waqti Xaadirkan Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Wuxuu Ka Howlgalayey Xarunta Caafimaad oo Burco Ku Taal oo La Yidhaahdo Shaafici Pharmacy, Halkaas oo uu Labada Galinba Adeegyada Caafimaad ee Bulshada Gobolka Togdheer Ku Dhaqan u Fidin Jiray.

Ilaahay Waxaan Uga Baryeynaa Una Weydiineynaa In uu Naxariistiisa Jano Ka Waraabiyo Dr Cabdi, Wuxuu ahaa Adoon Saalix ah oo Cibaado badan Dadkuna Ka Nabadgalaan Af iyo Adinba.

Qore: Abdulkadir Salah Eidleh E-mail: biniidle5@hotmail.com

COMMENTS
Latest News