Haqabtirenews.com
Lionel Messi Oo Weli Sugaya Inuu Dhaliyo Goolkiisii 500aad Ee Waayihiisa Ciyaareed Isagoo Weli 30 Gool Ka Danbeeya CR7.
April 6, 2016 - Written by admin
">

Bishii Febraayo waxaa si weli loo shaaciyay in Messi uu dhaafay 500 gool oo waayihiisa ciyaareed ah ka dib kulankii ay Barcelona 7-0 ku xasuuqday Valencia. Sidaasi oo ay shirkada istaatistikada isboortisa ee Opta ayaa sheegtay inuu kaliya dhaliyay 485 gool islamarkaana dadka kale ay si qaldan u xisaabeen 16 gool oo uu Messi u dhaliyay juunyeerka xulka Argentina, madaama aysan qeyb ka aheyn goolashiisa intii xirfadle noqday.

Kulankii Barcelona ay ka badisay Atletico Madrid ee lugta hore ee wareega 8da Champions League, Messi ayaa waxaa soo martay fursad uu ku gaari lahaa goolkiisii 500aad, laakiin waa uu awoodi waayay inuu shabaqa ku soo taabto Camp Nou inkastoo uu helay lix darbo oo uu xitaa seegay kubad laba lugaaleey ah qeybtii labaad.

1459893148_248882_1459893310_noticia_normal

28 jirkaan ayaa goolkiisii 499aad ee waayihiisa ciyaareed dhaliyay markii uu la maqnaa xulka Argentina isagoo dhaliyay gool ku laad kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen Bolivia. Goolkaas waxa uu ahaa goolkii 50aad ee uu u dhaliyay Argentina. Goolkiisii ugu horeysay ee waayihiisa ciyaareed wuxuu ka dhaliyay Albacete 1dii bishii May 2005 ka dib caawinaad uu ka helay Ronaldino.

Sida la filan karo waxa uu inta badan goolashiisa (406) ku dhaliyay cagta bidix, halka uu 70 gool ku dhaliyay cagta midig. Inta badan goolashiisa waxa ay dhasheen qeybta labaad ee ciyaaraha. Waxa uu dhaliyay 250 gool oo qeybta labaad ee ciyaaraha ah iyadoo uu 198 gool uu dhaliyay qeybta hor eee ciyaarta, xitaa waxa uu dhaliyay 98 gool 15ka daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaaraha. 308 gool waxa uu ka dhaliyay La Liga halka uu 83 gool ka dhaliyay Champions League.

Marka uu Messi gaaro 500 gool waxa uu ku biirayaa liiska xiddigo waa weyn sida Pele, Puskas, Gerd Muller iyo weliba xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo kaasoo dhaliyay goolkiisii 500aad kulankii Champions League ee xilli ciyaareedkan ee Malmo. Xiddiga dhaliyay goolkii guusha ee El Clasico waxa uu haatan marayaa 529 gool oo waayihiisa ciyaareed ah.

COMMENTS
Latest News