Haqabtirenews.com
Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timi Dr Cabdi Aw Daahir Cali.
April 6, 2016 - Written by admin
">

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Dr.

Cabdi aw-Daahir oo maanta 06/04/2016 xanuun ku soo booday oo xaga wadnaha ah ugu geeriyooday magaalada Burco.


Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, una sama-fali jiray dadka danyarta ah, waxa kale oo uu Marxuumka ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi ku suntana ka soo qeyb-qaadashadii dib-u-heshiisiintii beelaha iyo weliba horumarka qaranka Somaliland ,sida oo kalena xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen xoghayahii guud ee xisbigii Udub, wasiirka wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isaga oo Marxuumku wakhti xaadirkana gudanaayey waajibaadkiisa qaran ee uu mihnaddiisa caafimaad ugu adeegaayo shacabkiisa Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu Alle ka baryeyaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, sida oo kalena uu godka u nuuriyo, naxariistiisii janatul Fardowsana uu ka waraabiyo. Aamiin Amiin.

Innaa-Lillaahi wa-inna Ileyhi Raajicuun.

COMMENTS
Latest News