Haqabtirenews.com
Hordhaca Kulanka Champions League Ee Bayern Vs Benfica.
April 5, 2016 - Written by admin
">

Bayern Munich  ayaa soo dhawyn doonta kooxda Benfica kulanka lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka tartanka Champions league ee ka dhici doona garoonka Allianz Arena kooxda macalin Pep Guardiola ayaana aha kooxda sida cad aadka ugu cadcad kulankaan.

Wararka Labada Kooxood
Guardiola ayaa weyn doona adeega garabka ree Holland eeArjen Robben  kaasoo qaba dhaawac muruqa ah, da’yarka Kingisley Coman ayaa diyaar u ah kulankaan kadib markuu seegay kulankii Frankfurt halka Douglas Costa iyo Arturo Vidal ay rajeynayaan iney dib ugu soo laabtaan shaxda kooxdooda, laakin dhibta ugu badan ayaa kooxda martida loo yahay ka qabsan doonta daafaca danbe halkaasoo ay ka maqan yihiin  Jerome Boateng iyo Holger Badstuber  halka Medhi Benatia iyo Javi Martinez shaki laga muujinayo labadaba,

Dhanka Benfica waxay ka walwalsan yihiin dhaawacyada  Lisandro Lopez (suulka) iyo Luisao (gacanta) kuwaasoo labadaba seegi doona kulankaan halka Nuno Santos (Jilibka) iyo goolhayeJulio Cesar (suulka) shaki laga muujinayo.

Bayern Vs Benfica

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Labadaan koox ayaa sadex jeer ku kulmay tartankaan waxaana sadexdii jeerba adkaaday Bayern waxayna sadexdii jeer oo ay kooxda ka adkaataba ay gaadhay ciyaardhamaadka Champions league. T

Bayern ayaa ku guuleystay European Cup xili ciyaareedkii 1975-76 iyo UEFA Cup kii 1995-96 waxayna labada jeerba jidka ku soo martay Benfica halka ay 1981-82 markale ay kasoo gudbeen isla kooxda kadibna is geeyeen ciyaar dhamaadkii laakinwaxaa garaacay Aston Villa.

Benfica ayaa sadexdii kulan ee u danbeysay ee ay booqatay Bayern ciqaab kala soo kulantay waxaana laga dhaliyay goolal gaarayay 13 gool halka kaliya labo jeer ay guulo ku soo gaareen Germany mudo 21 jeer ah oo ay gaareen.

Shaxaha Maqcuulka Ah Ee Labada Koox:

Bayern Munich:Nuer; Martinez, Alaba, Bernat; Lahm, Alonso, Vidal, Ribery, Muller, Costa; Lewandowski

Benfica:Ederson; Semedo, Samaris, Nilsson Lindelof, Eliseu; Pizzi, Fejsa, Sanches, Gaitan; Mitroglou, Jonas

COMMENTS
Latest News