Haqabtirenews.com
Maamulka Premier Leaque-ga Oo Shaaciyay Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 33 Aad Ee Horyaalka….
April 4, 2016 - Written by admin
">

Maamulka Premier Leaque-ga ayaa shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 33 aad ee horyaalka Ingiriiska, waxaana kulamadan ku jira kulamo xiiso badan oo saamayn ku yeelan kara kala saraynta Premier Leaque-ga.Kooxda hogaanka haysa ee Liecester City ayaa markale fursad fiican u haysata in ay hogaanka todoba dhibcood ah sii dheeraysan karto marka ay booqato kooxda dhibaataysan ee Sunderland.

Laakiin kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham ayaa markale mari doonta imtixaan adag iyada oo White Hart Lane ku soo dhawayn doonta Manchester United oo iyaduna kaalinta afraad u tartamaysa, waxayna Spurs ka quusan doontaa hanashada horyaalka haddii ay guul ka gaadhi waydo Red Devils.Premier Leaque clubs 2015-16

Dhinaca kale kooxaha Manchester City iyo Arsenal oo uu wali hunguri kaga jiro hanashada Premier Leaque-ga ayaa la kala ciyaari doona West Brom iyo West Ham United sida ay ukala horeeyaan. Inkasta oo kulanka City aanu ahayn mid ay walwal badan qabi doonto, laakiin Arsenal ayaa kulan derby ah la ciyaari doonta kooxdii kulankii furitaanka xili ciyaareedkan guuldarada ku baday Emirates stadium.

Kulamada 33 aad ee horyaalka Ingriiiska ayaa lagu furi doonaa kulanka ay kooxda West ham United soo dhawayn doonto Arsenal waxaana kulankaas dhex dhexaadin doona garsoore Craig Pawson.Waxaana ku xigi doona kulanka ay Chelsea booqan doonto kooxda Swansea City waxaana kulankaas loo dhiibay garsoore Andre Marriner. Kulamada sabtida ee 9-ka April ayuu soo gabagabayn doonaa kulanka Manchester City ay Etihad Stadium ku soo dhawayn doonto kooxda West Brom waxaana kulankan loo xilsaaray garsoore Mike Jones.

Kulamada axada ee 10-ka April ayay Liverpool soo dhawayn doontaa kooxda Stoke City oo ay xili ciyaareedkan saddex jeer isku soo arkeen, waxaana kulankan dhex dhexaadin doona garsoore Mark Clattenburg, halka kulanka kale ee isla axadu uu dhex mari doono kooxaha Tottenham iyo Manchester United, waxaana kulan qaban doona garsoore Mike Dean.Kulanka ay ciyaari doonto kooxda hogaanka premier Leaque haysa ee Liecester City ayuu qaban doonaa garsoore Anthony Taylor.

Halkan kaga bogo dhamaan garsoorayaasha iyo caawiyaashooda ee kulamada 33 aad ee horyaalka Ingiriiska iyo waliba waqtiga kulamadaas la ciyaari doono.1

COMMENTS
Latest News