Haqabtirenews.com
DAAWO Sawiro Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyey Deegaano Hoos Yimaada Degmada Salaxley.
April 4, 2016 - Written by admin
">

Masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxay saaka deeq raashin ah gaadhsiiyeen dadku abaaruhu sameeyen ee ku nool degmooyinka Arawelo , Xadhig-Xadhig  Iyo Meedhayle oo hoosyimada Degmada Salaxley oo ka tirsan gobalka Marodi-Jeex isla markaana dhinca koonfured kaga beegan.

Deeqdan  raashinka ah ayaa  ka koobneyd , Sonkor , Daqiiq, Bariis iyo Saliid ayaa waxaa ay gaadhsiiyeen 600 Qoys oo ku nool deeganadaasi isla markaana ah dadka ay abarta baahsani ku saamaysay deegaanadaa.

Ugu horyn waxaa madasha  ka hadley maayar ku xigeenka magaalada Salaxley Muddane Maxamed Caysane waxaana uu xisbiga Waddani uga mahad celiyey deeqdan raashinka ah ee uu soo gaadhsiiyey dadkan tabaaleysan ee ay abaaruhu sameyen waxaana uu ilahay uga baryey in uu muraadkooda u rumeeyo isla markaana waxaa uu xukuumada ugu baaqay in ay dadkan gargaar soo gaadhsiiyaan isaga oo xusay in  aanay dadkan wali wax gar gaar ah oo ka yimid xaga xukuumadu aanu soo gaadhin.

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa ka hadley sarkaale sare oo ka tirsan xisbiga Waddani oo lagu magacaabo Kayse waxaana uu sheegay in ay deeqdani ka timid dad qurbo joog ah oo ka tirsan xisbiga waddani Iyo waliba xisbigaasi waddani isla markaana uu gudoomiye Ciro gartey in dadkan la soo gaadhsiiyo deeqdan.

Gabo gabadii waxaa madasha   ka hadashey xoghayaha garabka haweenka ee xisbiga Waddani waxaana ay dadweynaha  deeqdan la siiyey ay u sheegtey in aanay deeqdani noqon doonin ti ugu horeysay balse ay sii wadi  doonan waxii ay awoodan iyaga oo aan dhaqaale buuran haynin isla markaana xisbi mucaaridka ah.

1

85234765-4

COMMENTS
Latest News