Haqabtirenews.com
Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Xalayto Ee El Clasico – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka, Ayaase Liitay Kulankii Camp Nou?
April 3, 2016 - Written by admin
">

Real Madrid ayaa ka yaabsatay Barcelona iyagoo dib u helay xuquuda sharafta ee kulanka El Clasico.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan oo dhan ku jirta hooska Barcelona, waxaana ay 10 dhibcood ka danbeeyeen Barca ka hor kulankii xalayto intaan la ciyaarin.

Laakiin tababare Zinedine Zidane ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay soo laabasho cajiib ah habeen Camp Nou uu si weyn u buuxay, waxaana ay soo gabagabeeyeen rikoorkii guuldarro la’aanta ee Barcelona.

Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolasha, laakiin waxaa jiray rag kale oo wacdarro u dhigay kooxda artida aheyd.

Waana tan qiimeynteena ciyaartoydii xalayto, 10 ayaa ah dhibcaha ugu sareeya ee uu ciyaaryahan heli karo, 0 ayaana ah waxa ugu hooseeysa ee uu heli karo.

Barcelona-v-Real-Madrid

Barcelona

Bravo 6 – Wax miyuu ka qaban karay goolkii Benzema? Macquul.

Alves 7 – Waxaa inta badan lagu eedeeyaa shaqadiisa difaacasho laakiin wuu iska caabiyay Ronaldo.

Pique 7 – Waxa uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa laakiin goolkii barbaraha isagaa qalad ku lahaa.

Mascherano 6 – Waa ay yareyd in tabiyaha ciyaarta uu sheego magaciisa taasoo wax fiican ah.

Alba 5 – Weerarkiisana waxa uu ahaa daciif, waxaana lagu baadayay booskiisa daafaca qeybtii labaad oo dhan.

Busquets 7 – Si fiican oo bilaa dadaal ah ayuu isagu xiryay khadka dhexe.

Rakitic 6 – Caadiyan waxaa looga bartay inuu mashquulo laakiin kulankii xalay wuu muuqbeelay.

Iniesta 6 – Waa sida Rakitic ma jirin wax muuqda uu qabtay ciyaartii xalayto.

Messi 6 – Habeen jahwareer ah ayay u aheyd Messi.

Neymar 6 – Natiijo iyo halis midna kuma kordhinin kooxdiisa xalayto.

Suarez 5 – Qaab ciyaareed fiican kuma jirin xalayto. Waxa uu seegay fursad weyn bilowgii ciyaarta.

Bedel: Arda

Barcelona's Lionel Messi and Real Madrid's Sergio Ramos in action

Real Madrid

Navas 7 – Sida bisadii ayuu jawaab celiskiisa u fududaa, waxa uu beeniyay Messi iyo fursado kale xalayto.

Carvajal 7 –Waxa uu aamusiyay Neymar, waxaana uu soo bandhigay awoodiisa weerar goolkii labaad.

Ramos 4 – Waad ku sharatami kartay inuu casaan qaadanayo ka dib jaalihiisa hore.

Pepe 5 – Waxa uu ku mashquulsanaa waxyaabo aan micno laheyn, waxaana uu qalad weyn ku lahaa goolkii Pique.

Marcelo 6 – Inta badan waa uu xureystay garabkiisa, waxaana uu qaadayay weerar ka hor goolkii barbaraha ee Benzema.

Casemiro 8 (Xiddiga Garoonka) – Waxa uu burburinayay weerarada Barcelona, wax walba sahal ayuu ka dhigayay. Xiddigii Real ugu fiicnaa xalayto ayuu ahaa iyo weliba garoonka oo dhan.

Kroos 7 – Inta badan ciyaarta wuu aamusnaa laakiin weerarkiisa ayaa keenay gool iyo weliba aragtidiisa dheer.

Modric 6 – Wax badan ma uusan sameynin xiddiga reer Croatia xalayto.

Bale 8 – Orodyo cajiib ah ayuu sameeyay, nasiibdarro ayay ku aheyd in gool laga diiday, waxaana uu dhigay goolkii guusha.

Ronaldo 7 – Inta badan kubada ayuu dhuminayay laakiin waxa naf isgeliyay xilli danbe isagoo guusha ku hogaamiyay kooxdiisa.

Benzema 7 – Waxa uu qasaariyay fursad fiican qeybtii hore laakiin waxa uu taas raaligelin kaga bixiyay dhameystir fiican.

Bedel: Jese, Vazquez

COMMENTS
Latest News