Haqabtirenews.com
Halkan Ka AKHRISO Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Xil Ka Qaadistii Faysal Cali Waraabe Ku Sameeyey.
April 3, 2016 - Written by admin
">

Halkan Ka AKHRISO Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Xil Ka Qaadistii Faysal Cali Waraabe Ku Sameeyey.

 

 

 

Ku : Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Tar: 03/4/2016

                      Ujeedo: Jawaab Celin

                     Mudane

 

 

 

Waxan ka helay Facebook-ga qoraal aanan hubin inu yahay been abuur iyo inu yahay rasmi oo dabayluhu sitaan laguna faafiyay warbaahinta sida aan filayo kuna saabsanayd xilal magacaabis iyo xilal qaadis aan waafaqsanayn Xeerka Xisbiga UCID.

 

Hadii ay jirto in aad qortay waxay iftiiminaysaa heerka aqoonta maamul iyo aqoon darrada kaa haysa dhinaca Xeerka UCID oon filayo in haba yaraato eh aanad hal qodob ka aqoonin wayoo ku xadgudubka Xeerka UCID maaha ceebtaada ee waa caadadaada. Hadii xilkii uu kuu igmaday xisbigu ugu shaqayso xisbi kale iyo musharax kale aniguna xilka aan u hayo waxan ku difaacayaa xisbigayga iyo musharixiisa madaxwanaha iyo guud ahaan danaha xisbigayga.

 

Si kastaba ha ahaato eh maadaama warqadani ay ka hor imanayso Xeerka Xisbiga UCID adiguna aanad ka sarayn Xeerka Xisbiga warqadan dabayluhu siteen wax ka jiraa ma jirto sababta oo ah waxa burinaya Xeerka xisbiga iyo awoodaha uu siiyay Gudoomiyaha Xisbiga

 

Ugu dambaystii marka aan eego hab dhaqankaaga aan waali iyo miyir qab u kala saariwaayay waxan kugula talin lahaa in aad xilka iska casisho taas ayaad xaq u leedahay UCIDna dan u ah si uu u gaadhi karo higsigiisa una beegsan karo inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland

 

Ugu dambaystii waxan mar kale kuugu celinayaa aniga oo halkii aan qoraalkaaga ka helay(Facebook) kuu soo marinaya in qoraalkaagu kaagu waxba kama jiraan yahay lana mid yahay aniga oo inta aan qoraal sameeyo idhaahda waxan xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Xisbiga UCID waxay ka duwan tahay ma jirto marka aan eego Xeerka Xisbiga

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf
Gudoomiye Xigeenka 3aad
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeeka- UCOD

45154_609883889160487_3933055582169953052_n

COMMENTS
Latest News