Haqabtirenews.com
Macalinkii Hore Ee Madrid Ee Carlo Ancelotti Oo Soo Xushay Shaxda Wadajirka Ah Ee Barca Vs Madrid.
April 2, 2016 - Written by admin
">

CARLO ANCELOTTI ayaa soo doortay shaxdiisa wadajirka ah ee Real Madrid-Barcelona laakin qolna looma helin Gareth Bale waxaana booskiisa qaatay Neymar Junior, halkaan ka arag soo doorashada macalinkaan.

CLAUDIO BRAVO v KEYLOR NAVAS: Barbaro, labada ninba qaxay ku jiraan qaab ciyaareed fiican shaqo adagna wey qabanayaan, Navas ayaana labadooda aad muhiim ugu ah kooxdiisa.

DANI ALVES v DANI CARVAJAL: Barbaro: Labadoodaba wey ku fiican yihiin weerarka laakin waa iney ka taxadaraan booska weyn ee ay baneynayaan, gaar ahaa Alves.

GERARD PIQUE v PEPE:PIQUE. Wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed fiican wuxuuna saldhig u yahay kooxdiisa, sido kale Pepe wuu degdeg badan yahay waana muhiim.

Camp Barca Vs Madrid

JAVIER MASCHERANO v SERGIO RAMOS:RAMOS.Mascherano wuu yaqaanaa sida looga ciyaaro daafaca dhexe laakin Ramos waa halbowlaha Real.

JORDI ALBA v MARCELO: MARCELO. Waxa ay ka mideysan yihiin weerarka laakin Marcelo ayaan u doortay booskaan

SERGIO BUSQUETS v CASEMIRO: BUSQUETS.Sergio Busquets sida cad waa khadka dhexe ee aduunka ugu fiican haatan, halka Casemiro uu horumar sameynayo

IVAN RAKITIC v TONI KROOS:RAKITIC. Qaab ciyaareedkiisa ayaa ahaa mid ad muhiim u ah sidoo kale Kroos waa nin fiican laakin wali ma gaarin heerka dhigiisa.

ANDRES INIESTA v LUKA MODRIC: Barbaro: Labadaba waxay go’aamin karaan ciyaarta si sahlan

NEYMAR v GARETH BALE:NEYMAR. Si sahal ah ayuu u koray waana ciyaariyahan go’aamin kara kulan waliba sidoo kale Bale laakin labadooda waxaa haatan fiican Neymar.

LUIS SUAREZ v KARIM BENZEMA: Barbaro: Waxay ku kala duwan yihiin ayaa ah in Suarez uu yahay weeraryahan no.9 dhameystiran ah halka Benzema uu masuuliyad iska saaro kubad abuurka, wuxuu u baahan yahay inuu goolal dhaliyo.

LIONEL MESSI v CRISTIANO: Barbaro: Maxaan ka dhihi karaa labada nin ee ugu fiican aduunka ? Labadaba waxya ku jiraan qaab ciyaareed fiican.

COMMENTS
Latest News