Haqabtirenews.com
Deg-Deg Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsiyadeeyey La Taliyihii Arimaha Dibada Ee Geeriyooday Cumar Dixood.
April 2, 2016 - Written by admin
">

TACSI MADAXWEYNE – 02/04/2016

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, geerida ku timid Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargaysa, madaxwaynuhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Dr. Dixood, iyo dhammaan shacbiga Somalilandba.

Madaxwaynuhu wuxuu ku sifeeyay Dr.Dixood nin ku suntanaa Waddaniyadda Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii iyo halgamaagii horseeday xornimada dalka ee SNM, wakhti xaadirkana ka mid ahaa La-taliyayaasha Madaxwaynaha.

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

IMG_3F3462-E3A5E6-836B51-7427B4-0F8C93-20E65B

COMMENTS
Latest News