Haqabtirenews.com
Dalka Turkiga Oo Lagu Eedeeyey In Uu Celinaayo Qoxoontiga Suuriyaanka Ah Ee Ka Qaxaaya Colaadaha Ka Jira Dalkaasi.
April 1, 2016 - Written by admin
">

Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegaysa in Turkiga uu kummanaan qaxooti Suuriyaan ah uu ku khasbay in ay dib dalkooda ugu laabtaan, arrintaasi oo meel ka dhac ku ah qanuunka caalamiga ah.

Cilmibaarayaal ka tirsan hay’addani oo ku sugan koonfurta Turkiga ayaa sheegay in dalkaasi Turkiga laga musaafurinayay maalin kastaa ku dhwaad 100 qof oo reer Suuriya tan iyo bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

IMG_D84194-400C97-A7145D-AD8F12-8C9724-0CCADB

Midowga Yurub ayaa dhawaan heshiis kula galay Tuirkiga in qaxootiga reer Suuriya ee gaaray jaziiradaha Giriigga dib loogu celiyo Turkiga.

Balse Amnesty waxa ay sheegeysaa in warbixinadeeda ay muujinayaan in Turkiga uusan ahayn waddan ay ku badbaadayaan qaxootiga reer Suuriya.

Dowladda Turkiga ayaa beenisay in ay dad qaxooti ah ay xoog ugu celisay Suuriya.

Source:BBC

 

COMMENTS
Latest News