Haqabtirenews.com
Mesut Ozil Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal Iyo Sida Uu Ula Dhacsan Yahay Tababaraha Real Madrid Ee Zinedine Zidane, Miyuu Ozil Ku Laaban Doonaa Madrid?
March 31, 2016 - Written by admin
">

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa qirtay sida uu ula dhacsan yahay ama uu u jecel yahay tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, laakiin Ozil ayaa meesha ka saaray in jacaylka uu u hayo Zidane aanu dib ugu celinayn kooxdiisii hore ee Real Madrid, wuxuuna meesha ka saaray wararkii la xidhiidhinayay Real Madrid.

Xidiga heer caalami ee xulka qaranka Germany kula guulaystay koobka aduunka ee Mesut Ozil ayaa sanadkii 2013 kii Arsenal kaga soo biiray kooxda Real Madrid laakiin sidii uu shaaciyay Football Leaks, Real Madrid ayaa ah kooxda ugu horaysa ee la wareegi karta Ozil haddii uu doono in uu Emirates Stadium uu ka baxo, waxaana heshiiskiisa ku jira qodob ay Madrid dib ugu ceshan karto Ozil.Zidane and Ozil

Mesut Ozil oo ka hadlayay Zidane ayaa yidhi: “Zidane wuxuu ahaa ciyaartoy layaableh, kaliya kubbada muu ciyaari jirin, laakiin waxa uu ku noolaa ciyaaraha. Anigu waxaan ogaaday  kadib waayihiisii ciyaareed Zidane in uu ahaa qof markasta rajaynaya in uu gacan ku siiyo”.

Laakiin Ozil ayaa inta raaciyay in ayna taasi la micno ahayn arin la xidhiidha mustaqbalkiisa wuxuuna: “Laakiin taasi waxba kama sheegayso wax ku saabsan mustaqbalkayga, anigu kaliya waxaan ka fikirayaa Arsenal. Wax xaqiiq ahi kama jirto wararka aniga ila xidhiidhina dib ugu laabashada Spain”.Ozil and Zidane

 

 

Ozil oo sii amaanaya Zidane ayaa yidhi: “Anigu waxaan daawaday kulamo badan oo uu Zidane ciyaarayay, waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda aduunka ugu xariifsan, waxa uu awood u lahaa in uu ciyaarta akhristo , si toos ah ayuuna u ciyaari jiray isaga oo aan u baahnayn farsamooyin aan lagama maar maan ahayn, taasina waa waxa isaga ka dhigtay mid khaas ah”.

 

COMMENTS
Latest News