Haqabtirenews.com
Isbadalka La Rabo,Yaa Ka Hirgalin Kara Somaliland? Wq,Maxamed Dahir Axmed.
March 31, 2016 - Written by admin
">

Sida aynu la wada socono dalkeena waxa ka jira xaaladu u baahan in la saxo,tusaale ahaan waxa manta dalkeena ka jira qanacsade aan waxba xidhin,madaxdhaqameed  siyaasada ku dhex milmay oo dad qal ah amniga dalkana looga baqayo isagii ilaalin lahaa bulshadana islaax ka dhex dhalin lahaa,wasiir naftiisa u adeega  oo kursiga ku adeegta,oo aan bulshada ugu adeegin,golihii wakiilada ee dadku soo doortay oo la shaqaysanaya xukuumadii uu dheeli tiri lahaa,wadaad ku dhex milmay siyaasada dhaqaale raadsiga ku dhisan,dhalinyaro niyad jabsan,waxbarsho bilaa tayo ah,cuntooyin iyo dawooyin aan tayadooda la hubin,abaaro soo noqnoqda,sixir barar iyo sarif  si joogta ah u baaxaadagaya ,iyo xukun maxkamadeed oo  aan la fulinaynin.

Sidoo kale,gobalka geeska  Africa iyo qacanka carbeed,waxa ka huraya colaado khatartooda iyo cabsidooda leh,una baahan in lagaga gaashaanto talo midaysan  iyo hogaan adag.

Si guud marka aynu u eegno caalamka aynu manta ku noolaha waxa ka jira khataro faro badan oo aynu bulshooyinka caalamka la wadaagno,haday tahay khataraha cudurada faafa,khataraha amni darada,khataraha  isbadalka cimilada,khataraha ku lamaan tiknoolajiyada iyo isku furanka caalamka ( Digital technology and interconnectness), hoos u dhaca qiimaha khayraadka dabiicaga ah (fall ofcommodity prices),taasi oo saamaysay dalalka  khaliijka  ee aynu   xoolaha u iib gayno, ka dib markii qiimaha  shidaalka aadka uu hoos ugu dhacay.

Dhinaca kale Somaliland waxa horyaala fursado badan oo gudaheega ka jira sida in aynu  ka faaidaysano khayraadka dhulkeena ku duugan bad iyo bariba,in aynu biyaha roobka ee bada gala farsamo  u helo,in aynu dhaqaalaheena yar si wacan u maamulo,in aynu isku diyaarino in aynu wax ka iibino dalalka dadkoogu badan yihiin ee aynu la jaarka nahay ,iwm. Hadaba,su’aashu waxa weeyi,yaa Somaliland caqabadahaa ka saari kara,isabadalka la rabana ka dhalin kara?,labada murashaxa ee ugu cad cadi waa Muse Biixi Cabdi iyo Cabdirahmaan Cirro,hadaba labada keebaa dhalin kara isbadalka loo jeelan yahay?

1.Murashaxa xisbiga Wadani,Cabdiraham Cirro.

Mudane, cabirahaman Cirro waa Murashaxa Xisbiga Wadani,waxana uu ahaa tobankii sanno ee u danbeeyay hogaamiyaha dhadhaar ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladu ka kooban tahay (fulinta,garsoorka,iyo sharci dajinta). Maadaaba oo uu dhadhaarkii sharci dajinta ku guuldarastay,waxba soo kordhin mayso in Madaxwayne laga dhigaa. Ta  kale,nimanka imika Wadani,wadahadalka  la bilaabay,waa  kooxdii   wixii  Kulmiye iyo Madaxwayne Siillanyo  ka khaldamay masuulka ka ahaa,oo wax badan oo Kulmiye maanta gaadhi lahaana,adhaxda ka jabiyay. Sidaa daraadeed Cirro iyo kooxdaasi waa dadka ay  tahay in dalka laga qabto si isbadal iyo horumar loo gaadho. Somaliland ooma baahna nin ay koox ay isku reer yihiin ku adeegato.

 

2.Murashaxa Xisbiga Kulmiye,Muuse Biixi Cabdi,

Mudane,Muse biixi cabdi ,xukuumada Kulmiye dibada ayuu ka joogay,wixii Kulmiye ka khaldamayna kooxda Wadani ku sii socota ayaa ka danbaysay.Muse,Xisbiga Kulmiye waxa uu kala soo dabaashay caqabado badan,waana shakhsi go’aan qaadasho leh,isbadalkuna kama maarmo go’aan qaadasho iyo hal adaygnimo. Muuse biixi marna looma tirin karo khaladaadkii ka dhacay dawladnimada Somaliland mudadii Kulmiye dalka haystay,waayo isagu xil xukaamada kama haynin,wixii khaldamayna isaguun baa sixi kara waayo isagu dabaduu ka joogay dawlada,halka Cirro iyo nimanka imika wadahadalka kula jiraa ay wax badan isku soo shubshubteen,dawlnimadna si wada jir ah ay nabaro waawayn ugu wada gaysteen. Marka wax la saxayo cid waxa khaldan dibada ka joogtay ayaa loo diraa sida Muse biixi oo kale.

Waad Mahadsantihiin,

WQ,MAXAMED DAHIR AXMED

 

COMMENTS
Latest News