Haqabtirenews.com
GAALKACAYO Xisbahihii Wasaarada Maaliyada Ee Maamulka Pultand Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Galkacayo.
March 31, 2016 - Written by admin
">

Gaalkacyo(Haqabtire-News) Inta la og yahay lix qof oo uu ka mid yahay xisaabiyihii wasaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayarec) ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa hotelada Capital iyo Unlaaye ee magalada Gaalkacyo.

12921056_1685690878372442_131419091_n

Mamulka Gobalka Mudug ayaa xaqiijiyay geerida Gaadayare,waxayna tacsi u direen dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu masuulkan ka baxay. Waxaa socda dadaalo xoogan oo lagu baarayo falkan qaraxa ah, waxaana la sheegayaa inuu falkan is-qarxinta ah gaystay qof naftiis halige ah.

Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxaman Farole ayaa tacsi ka diray geerida Gaadayare wuxuuna illaahay uga baryay inuu Janadiisa ka waraabiyo. Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin weerarkan is- miidaaminta ah, kaasoo kusoo aadaya xilli madaxda Puntland iyo DFS wada hadal ku saabsan nidaamka 4.5 uga socdo magalada Garowe.

COMMENTS
Latest News