Haqabtirenews.com
DAAWO Sawiro Dadweynaha Ku Nool Magaalada Laascaanood Oo U Dareeray Salaad Roob-Doon Ah.
March 31, 2016 - Written by admin
">

Dadwaynaha kala duwan ee ku nool magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa saaka u dareeray oogista salaada roob doonta ah.

Waxaana boqolaal kamida  bulshada magaalada laascaanood ay saaka iskugu soo baxeen barxadaha loogu tala galay in lagu tukado salaadaha ciidaha iyo roob doonta si ay alle u baryaan isla markana alle u  waydiistaan in alle ka dul qaado abaaraha saameeyey una danbi dhaafo.

Dadwaynaha saaka iskugu soo baxya tukashada salaada roob doonta aha ayaa waxa kala soo qayb galay maamulka gobolka sool, ka degmada laascaanood,gudida abaaraha,culimada waa wayn ee magaalada laascaanood iyo waliba bulshada kala duwan ee magaalada laascaanood.

Waxaana masuuliyiintani ay alle ka baryeen in alle ka dul qaado abaarah raxmaadkiisana u shubo una danbi dhaafo iyaga oo dhanka kalena bulshada magaalada laascaanood iyo deegaanada hoosyimaadaba ku bogaadiyay inay ka fogadaan wax kaste oo alle ka cadhaysiinaya.

Si kasteba aha ahaatee deegaanada gobolka sool ayaa wax aka jirta abaar baahsan.

Alle haynaga dul qaado abaaraha raxmaadkiisana haynoo shubo.

12

 

COMMENTS
Latest News