Haqabtirenews.com
Daafacyadii Ugu Adkaa Ee Uu Wajaho, Halka Uu Ka Ciyaari Lahaa Hadii Uusan Aheyn Weeraryahan Iyo Shaqada Uu Qaban Lahaa Hadii Uusan Kubada Ciyaari Laheyn, Luis Suarez Oo Wareysi Bixiyay
March 30, 2016 - Written by admin
">

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa halka sare kaga jira daafacyadii ugu adkaa ee uu wajahay weerarayahanka Barcelona ee Luis Suárez sida xidigaan uu ku sheegay wareysi uu siiyay biga rasmiga ah ee xiriirka kubada cagta dalkiisa Uruguay ee (AUF), hadalka ayaana imaanaya maalmo ka hor kulanka weyn ee la wada sugayo ee EL Classico.

Marka laga soo tago Ramos, gooldhaliyaha ‘Azulgranas’ ayaa xusay daafaca dhexe ee PSG Thiago Silva iyo ninka Atlético Madrid eeDiego Godín kaasoo ay Luis isku arkaan xarunta tababarka xulka Uruguay iyo waliba horyaalka La Liga.

“Daafacyadii ugu adkaa ee aan wajaho waxaa ugu horeeya Sergio Ramos, waxad gool ka dhalineysaa adigoo ku daalay, wuxuu fahmayaa halka aad ku socoto iyo halka aad u ganbineyso, sidoo kale Thiago Sulva iyo Diego Godin ayaa dhib badna igu hayay” ayuu yiri Luis.

Suarez and Ramos

Suárez ayaa la weydiiyay halyeeygiiga kubada cagta wuxuuna yiri “Waxaan caruurnimadeydii daawan jiray oo aan ku dayan jiray Gabriel Batistuta, Sebastián Abreu iyo Diego Forlán”.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay hadii uusan ahaan laheyn weeraryahan halkii uu kia ciyaari lahaa “Hadii aanan ahaan laheyn weeraryahan waxaan jeclaan lahaa inaan ahaao goolhaye ama kubada dhan aan isku dhaafo”. Ayuu ku qudbeeyay weeraryahankii hore ee Liverpool, Ajax, Groningen iyo Nacional kaasoo sheegay hadii uusan ahaan laheyn ciyaartooy inuu noqon lahaa fanaan.

COMMENTS
Latest News