Haqabtirenews.com
Kooxda Liverpool oo qarka u saaran inay soo qaadato Mario Gotze.
March 29, 2016 - Written by admin
">

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhow inay soo xero geliso weeraryahanka Bayern Munich ee Mario Gotze, kaasoo ay ku baxayso lacag aad u yar oo lagu qiyaasay 15 milyan oo gini.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund kaasoo dhaliyey goolkii guusha xulkiisa Germany ee Final-kii koobkii Adduunka 2014 ayaa la rumeysan yahay in uusan ku faraxsaneyn nolosha garoonka Allianz Arena, waxaana uu si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo gegeda Anfield tan iyo markii uu Jurgen Klopp halkaas tababare ka noqday.

Si kastaba ha ahaatee, jariiradda The Express ayaa sheegeysa in Gotze uu jecel yahay inuu markale la shaqeeyo macallinkiisii hore ee Klopp, iyadoo qiimihiisana uu u dhexeeyo 15 milyan oo gini ilaa 20 milyan oo gini, waxaana 24 sano jirkaan uu heshiiskiisa Bayern Munich ku eg yahay xagaaga soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa inay u dhaqaaqi doonto Piotr Zielinski, laakiin Christian Benteke ayaa la filayaa inuu isaga tago Reds kaddib kaliya hal sano oo uu la joogay kooxda, West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ugu cad-cadahay adeega xiddiga xulka qaranka Belgian.

Zielinski kaasoo amaah uga tagay Empoli kuna aaday Udinese ayaa la soo xigtay isagoo dhahaya: “Waxaa laga yaabaa in ay fursad ii tahay suuqa kala iibsiga wayn dhammaadka xilli ciyaareedkan.”

Jurgen-Klopp-and-Mario-Gotze

COMMENTS
Latest News