Haqabtirenews.com
Codbixin Laga Qaaday Jamaahiirta Barcelona & Real Madrid Oo Ay Ku Soo Xusheen Shaxda Ay Kooxahooda Ku Soo Shirtagayaan Sabtida Kulanka El Clasico.
March 29, 2016 - Written by admin
">

Taageerayaasha kooxda Barcelona iyo Real Madrid ayaa soo xushay shaxda ay ku soo bilaabayaan kooxahooda kulanka El Clasico ee sabtida ka dhacaya garoonka El Clasico, sida ka muuqata codbixinta ay sameysay jariirada Isbaanishka ee AS taageerayaasha labada kooxood ayaa doonaya in ciyaartoydooda ugu fiican ay ciyaaraan.

Xaqiiq kale oo la iska dhegotiray ayaa ah in 18 ciyaaryahan oo Barcelona ah iyo 12 ciyaaryahan oo Real Madrid inay ku maqnaayeen isbuucii hore kulamada heerka caalamai, waxaana qaar ka mid ah ay soo laabanayaan 48 saacadood ka hor inta uusan bilaabanin kulanka la wada sugayo. Waxaa sidoo kale ay labada kooxood isha ku hayaan kulamadooda wareega 8da Champions League iyadoo Barcelona ay la ciyaareyso Atletico Madrid talaadada, halka Real Madrid ay habeenka arbacada u safreyso Wolfsburg.

1459150274_665184_1459151658_noticia_normal

Kooxda Barcelona ay soo xusheen waa sida tan: Bravo; Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar. Waxyaabaha lama filaanka ah waxaa ka mid ah in seddexda weeraryahan ee afka hore ee Barcelona in Messi uu helay codadka ugu yar. Ma cada in haddii taageerayaashii ka qeyb qaatay codbixinta ay doonayeen in la nasasiiyo xiddiga reer Argentina ka hor kulanka Champions League ama inay ka tahay caado madaama ay 4-0 ku badiyeen kulankii Bernabeu iyadoo Messi uusan ku soo bilaabanin mise Suarez oo helay codfadka ugu badan iyo Neymar ayaa maalmahan noqday xiddigaha ay taageerayaasha Barca jecel yihiin.

Shaxda Madrid waxa ku soo bilaabeen Carvajal kaasoo helay ku dhawaad 20 kun codad, laakiin Danilo ayaa ka maqan isagoo helay kaliya 3 kun cod, Varane ayaa isna booska kala baxay Pepe, halka Casemiro uu ku sii negaanayo booska burburiyaha ee khadka dhexe.

Haddii shaxda ay ka go’i laheyd taageerayaasha Madrid waxa ay u soo safan lahaayeen sida tan: Keylor; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Bale, Benzema, Cristiano Ronaldo. Xiddigaha codadka ugu badan helay Real Madrid waa Keylor Navas, Modric, Marcelo iyo Benzema waana sida ay isagu xigaan.

COMMENTS
Latest News