Haqabtirenews.com
BURCO Waa Hoyga Biyaha Kamana Jiro Biyo La’aani WQ- Aqoonyahan Deeq Samadoon.
March 29, 2016 - Written by admin
">

Waxaan habeen habeenada ka mid ah ka halacsaday muuqbaahiyayaasha wadanka degmada burco oo meelo ka mid ahi ka cabanayaan biyo la aan . Ka jirta degmada burco, iyo wakaaladii biyaha oo gabi ahaanba ka gaabisay shaqadii ay u haysay umada Waxan leenahay wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan dhaliilahaa loo soo jeediyay wakaalada biyaha Wakaalada biyaha burco waxay shaqada u wadaa hab iyo hanaankiii loogu talo galay, Aniga oo ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada burco xogagaal na u ah habka biyaha ay u hesho begmada burco waxaan markhaati ka ahay in magaaladu ay si wanaagsan biyo u hesho habayaraatee meel biyo la ina aanay jirin, Iyo dad caadaystay inay hadba maamulka cusub ee meel loo dhiibo sida dawaca ka daba qayliya marka ay xafiisyada dawlada albaabka laga furiwaayo, Markaa halkan waxaan ka cadaynayaa aniga oo ah xogagaal u ah degmada burco iyo wakaalada biyaha, in habayaraatee waxbiyo la aan ahi aanay ka jirin degmada burco xaafad kastaana ay hesho biyo maalin iyo habeenba .

Xaafadaha magaalada ayaa meelo kamid ahi yara gasha cilad farsamo iyadoo si degdeg ahna markiiba looga saaro ciladaasi.

Waxaan halkan xogagaal u ahay in maamulka cusub ee loo dhiibay wakaalada biyaha burco intii yarayd ee uu xilka hayay u sameeyay qorshayaal waawayn .

Maamu;lka cusubi waxaa uu xilka hayay mudo gaadhaysa 3 months waa wakhti aad u kooban marka loo eego habka shaqada ay u socoto iyo xawaaraha ay durbaba ku dhaqaaqeen .

Waxaa layaab mudan rag magacyo labaxa ayaanay gaadhay oo ku wareega xarumaha dawlada halkaasoo uu xafiisyada dawladuna aanay albaabkaba ka furin . Kadiba dhaliil xaqiiqada ka fod ama baro bogaandhe ku sameeya maamulka markaa kajira meesha Waxaan leeyahay ama aan kula talinayaa raga aan tusaalaha u soo qaatay inaad qof dhaliisho laguma soo baxo waxaa laysku soo saara aqoontaada iyo kartidaada .

12919233_555965404580535_1267213764_n

Qore: deeq samadoon

COMMENTS
Latest News