Haqabtirenews.com
WARBIXIN: Sir Faafiyaha Football Leaks Oo Kashifay Faah Faahinta Heshiiskii Uu Luis Suarez Kaga Baxay Liverpool Ee Ugu Biiray Barcelona Iyo Sida Ay Reds Lacagta Uga Kala Heshay Barcelona
March 28, 2016 - Written by admin
">

Fari kama qodna faah faahinta siraha heshiisyada ciyaartoyda iyo kooxaha ee shabakada Football Leaks taas oo hore aduunka ugu soo badhigtay heshiisyo ay ciyaartoy iyo kooxo wada galeen. Inta badan Football Leaks ayaa hore banaanka u soo dhigtay heshiisyo badan oo ay Real Madrid la gashay ciyaartoydeeda hadda iyo kuwo hore uga soo ciyaaray balse markan waxay dareenkooda ku soo jeediyeen kooxda Barcelona iyaga oo soo badhigay heshiiskii qaaliga ahaa ee uu Luis Suarez ugu soo biiray Barcelona.

Shabakada Ruushka laga leeyahay ee Football Leaks ayaa markan kubbada cagta aduunka u soo badhigay heshiiskii Luis Suarez uu sanadkii 2014 kii kaga soo wareegay Liverpool ee uu ugu soo biiray Camp Nou iyo kooxdiisa hadda ee Barcelona, waxaana warbixinta Football Leaks lagu sheegay in Barcelona ay 64.98 milyan oo gini isla markaana u dhiganta 82 milyan oo eruos ay Liverpool kagala soo wareegtay Luis Suarez.Suarez

Football Leaks ayaa intaa raaciyay in labada kooxood ay ku heshiiyeen in Barcelona ay lacagtan ku bixiso shan qaybood oo kala ah sidan: 13 milyan gani waxay Barcelona bixisay  31-kii  July 2014, halka  lacago min 13 milyan gini ah ay Barcelona bixisay  31-kiiJanuary 2015, 31-kii July 2015 iyo 31-kii January 2016, waxayna ugu danbayn lacagtan Barcelona ay dhamaystiri doontaa 31-ka July 2016 oo ay bixin doonto £12.98 oo gini. Liverpool ayaana iska bixinaysa lacagta cashuurta iyo khidbada lacagta lagu soo diray. qoraalka heshiiskii Barcelona iyo Liverpool qaybtiisii lacagta bixinta oo Ingiriisi ku qoran halkan hoose ayaad ka akhriyi kartaa.suarez (1)

Suarez-RodgersTaas ayaa la micno ah in ayna Barcelona wali wada dhamaystirin lacagtii ay Liverpool kagala soo wareegtay Luis Suarez waxaana baaqi ku ah £12.98 oo gini oo ay bixin doono 31-ka July 2016.Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkan Barcelona udhaliyay 43 gool oo tartamada oo dhan ah halka uu sidoo kale sameeyay 18 gool caawineed. Tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray Liverpool ayuu Luis Suarez kooxda Barcelona udhaliyay 67 gool halka uu sameeyay 37 gool caawineed.Suarezz

COMMENTS
Latest News