Haqabtirenews.com
Kooxda Chelsea oo kula tartamaysa kooxaha Juventus, Arsenal iyo Real Madrid saxiixa N’Golo Kante.
March 28, 2016 - Written by admin
">

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay soo xero geliso xagaaga xiddiga xulka qaranka France iyo kooxda Leicester City ee N’Golo Kante kaas oo xilli ciyaareedkan wacdaro cajiib ah ka sameeyay garoonka King Power.

Qaab ciyaareedkiisa sare ee xilli ciyaareedkan ayaa N’Golo Kante dhaxalsiisay in looga yeero xulkiisa qaranka Faransiiska, waxaana uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay ciyaartii ay xulka France guusha ka qaateen dhawaan dhigooda Holland.

Warsida Get France Football News ayaa sheegaya in kooxda Chelsea xagaaga u dhaqaaqi doono soo xero gelinta xiddigan, isla markaana ay xiriir la samaysay laacibkan khadka dhexe ee N’Golo Kante.

Si kastaba ha ahaatee, 24-sano jirkaan ayaa diiradda u saaran kooxo badan, waxaana Chelsea ay tartan adag kala kulmi doontaa kooxaha Juventus, Arsenal iyo Real Madrid oo dhankooda ka doonaya xiddigan Kante.

kante

Gool FM.

COMMENTS
Latest News